HomeSidee ayaanu u Aamini Karnaa In Shirkad Macaash Doon ah Lagu...

Sidee ayaanu u Aamini Karnaa In Shirkad Macaash Doon ah Lagu wareejiyo Adeegyo Xasaasi ah?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxa dhawaan la shaaciyay war naxdin leh oo hoos u dhigaya kalsoonidii lagu qabay haybadda dawladnimadda, taasi oo ah in shirkad gaar loo leeyahay la siiyay oo lagu wareejiyay liisammadda gaadiidka dalka oo ay hore wasaaradda hawlaha guud gacanta ugu haysay isla markaana ay daabici jirtay madbacadda qaranka oo ah Ha’yadda dukumantiga dawladda oo dhan sharcigu jidaynayo inay daabacdo.

In shirkad gaar ahi ay daabacato oo ay maamusho liisammaddu ay fool xumo ku tahay xukuumadda iyo magaca dawladnimadda labada, waxaanay arrintaasi meesha ka saaraysaa kalsoonidii iyo xafidnaantii adeegaas dawladeed ee gacmaha aaminka ah ku jiray, waxa arrintaasi hadii aanay dawladdu ka noqon ay noqon doontaa fadeexad baaxad leh oo saamayn fool xun ku yeelata Hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.

Sida aan ka akhriyay wargeyska Geeska Afrika waxay tallaabadan Wasiirka Hawlaha guud ku wareejiyay liisamadii shirkad gaar loo leeyahay ay ka hor imanaysaa wareegto madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo soo saaray dabo-yaaqadii sanadkii 2010-kii taasi oo ahayd inaan meel aan madbacadda qaranka ahayn laga soo daabici Karin dukumantiyadda dawladda, ha noqoto buugaagta cashuuraha noocyadooda kala duwan, liisamadda gaadiidka iyo wixii dukumanti ah ee ay xukuumadu ku shaqaynayso, oo madbacadda qaranku ugu filan tahay. Inay adeegaasi u daboosho xukuumadda.

Wareegtada madaxweynuhu xiligaasi soo saaray waxay u qornayd sidan “Mudaneyaal iyo Marwooyin, Aniga oo ka duulaya waajibaadka ay madbacada qaranku u xil saaran tahay, waxaan farayaa Wasaaradaha Dawlada iyo Ha’yadaha Dawlada in laga bilaabo taariikhda wareegtadan wax kasta oo ay daabacanayaan ay ka daabacdaan Madbacada qaranka, waxa reeban in meel kale wax laga soo daabacdo.”

Waxa la soo weriyay in Amarkan Madaxweyne Siilaanyo uu  horeeyay laba digreeto oo ay madaxweynayaashii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ku mamnuuceen in meel aan madbacada qaranka ahayn lagu daabici karin dhukumentiyada dawladda.

Haddaba haddii aanu nahay shacbigii dalkan ma garan karo sida aanu ku aamini karno shirkad macaash doon ah oo adeeg xasaasi ah oo aanay shaqo ku lahayn dusha loo saaray, waxase aan rajaynayaa in dawladdu ay dib iskugu noqon doonto oo ay shirkaddan haddii ay maslaxad gaar ah ka leedahay ay ku wareejin doonto adeeg kale oo aan xasaasi ahayn isla markaana aan taabanayn dakhli soo saarka dalka iyo shuruucda qaranimadda labadaba.

Waxaan dhawr jeer ooh ore masuuliyiinta madbacadda qaranku bayaamiyeen inay ku filan yihiin oo ay daabici karaan adeeg kasta  wax kasta oo dawladdu daabacayso xukuumad dhexe iyo mid hooseba, markaa  waxaan garan la’ahay halka sheegadu iska qabsan  la’dahay ee loo ixtiraami waayay digreetadaas maan-galka ahayd ee madaxweynuhu soo saaray.

 

Cabdi  Kayse Axmed

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories