HomeSidee ayaa Lagu Helaa Farxadda Iyo Deganaashaha Uu Qof Waliba Raadinayo

Sidee ayaa Lagu Helaa Farxadda Iyo Deganaashaha Uu Qof Waliba Raadinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankFarxadda iyo Degenaashuhu waa derajo nololeed oo la gaadho inta gaadhaana ay tahay dad kooban oo garaty wadadii xaqa ahayd ee ay ku heli lahaayeen xaaladaas.

Qof kastoo bulshadeena ka mid ah waxa uu raadinayaa Farxad iyo Degenaasho iyadoo badankooda ay ka khaldan tahay jidkii ay ku heli lahaayeen oo ay ka raadinaya jiho khaladan, Tusaale ahaan

Dadka qaar ayaa aaminsan Hanti badan oo aad heshaa ama aad tabacataa inaad ku helayso derjadaas madaama oo aad wax walba ay naftaadu doonto aad iibsanyso qiimaha ay doonto ha joogtee, lakiin dadka fikrada noocaas ah aamisan waxa ay ilowsan yihiin in caalamka dadka ugu badan ee is dila ay yihiin Billionerda aduunka ugu taajirsan kuwaas oo aan helin ama ku dhaqmin Diinta islaamka, kuwa laftarkoodu haysta diinta islaamka ee Ilaahay maalka u dhiibay badankoodu way yaryihiin kooxda sidii uu Islaamku rabay u maamulay oo mid walba waxaaa ku maqan godob uu ka galay Shaqaalaha u shaqeeya, Qof baahan oo u yimid kaas oo uu qadiyay, Xoolihiisa oo uu bulsho walaalo ah kuwaas oo is dilaya uu dhinaca ku taageeray sida imikaba ka dhex dhacda bulshada Somaalida ah oo ay tahay laba qabiil oo is dilaba waxaa isku dira ama ku dhex jira Maalqabeen ama nin ganacsade ah oo ka faaiidaysanaya dhiiga dadka waalaalaha ee daadanay iyo inuu ka bixin waayo Maalkiisa ama Xoolihiisa Sakadii iyo Dhaqaaalihii ay Diinta Islaamku ku waajibisay.

Ugu danbayntii talaabooyinkaa uu qaaday maal qabeenka muslimka ah waxay u horseedaa Maalkiisii oo ku filnaan waaya taas Oo baahi joogto labadaa indhood loo saaro ama intay xaalad caafimaad soo food saarto uu dhakhtarkii uu u tagaaba uu ku yidhaahdo dhamaan wixii nafaqo leh iska ilaali oo uma dhawaan kartid ama ma cuni kartid kaliya jidiinka aad liqdaa wuxuu noqonayaa bariis cadaan ah iyo biyo kulul oo bilaa sonkor ah imis qof oo aad garanayso kuwaas oo ka mid ah bulshadeena dhaqaalaha buuran haysta oo ay taasi ku dhacaday oo aynu aragnay.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin Mansab ama xil umadeed sida Madaxweyne, Wasiir, Agaasime, Suldaan iyo wixii la mid ah oo aad qabato in aad ka helayso Farxad iyo Degenaasho, lakiin kuwaasi iyaguna waxay moogan yihiin in nin Xil qaaday uu eed qaaday oo aanu habeen si raaxo leh u seexanayn badankooduna ay la noolyihiin Xanuunada aan la bogsan sida Macaanka, Dhiigkarka iyo Faaliga (dhinaca qalalka) Aakhirana ay u taalo xisaab badan maadaama ay bulsho dhan idhaahdeen anagaa ka masuul ah.

Maxay Tahay Wadad Lagu Helayo Ama Lagu Gaadhayo Farxad Iyo Daganaasho Joogta Ah
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ka hadlaya sida lagu gaadho nololshan ay dadka badankoodu ku daleen waxa uu yidhi “hadii aad rabto inaad ku noolaato nolol dagan oo walwalka iyo walbahaarku ku badnayn ama waxa khaarijka ah aanay ku dhibin haduu Colyahay, Colaad tahay, Caytahay, Amaantahay, suldo, iyo xoog tahay labada midana ku dhiban oo aad qof caadi ahoo ilaahay adoomihiisa ka mid ah aad noqoto waxaa quraanku inoo tilmaamayaa Tasbiixda badsada”.

Sheekhu Alle raali ha ka noqdee waxa uu inoo tilmaamayaa inay tasbiixdu wax walba oo aduunkan yaala ay dawo ka tahay taas oo Quraanka samaawiga uu Ilaahay ku sheegay.
Isku xidhka Ilaahay adoon qiimaynayn maxaad haystaa iyo maxaa ka maqan isla markaana aan eegayn kuwa kaa sareeya laakiin eegaya kuwa kaa hooseeya ee ducafada ah.

Bulshadeena inta ay u badanyihiin waxay aaminsanyihiin gudashada waajibaadka Diinta sida Bixin Sakada, Tukashada Salaada, inaad soo Xajto iyo samaynta Acmaasha khayrka leh in anfacoodu bilaabmo wixii ka danbeeya Qabriga ama Xabaasha laakiin waxaanay ogsoonayn wax kastoo khayr leh oo aad samaysaa in ay ku anfacayso Aakiro iyo Aduunba.

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories