HomeSidaynu Abaaraha uga guulaysan karnaa?: Xal Jaban oo macquul ah

Sidaynu Abaaraha uga guulaysan karnaa?: Xal Jaban oo macquul ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ugu yaraan dhawrkii sanno ee kasta waxa aynu wajahnaa abaaro adag oo dad iyo duunyaba baabi’iya. Weliba wayno filannaa, waynu ku xisaabtannaa in ay dhici doonto. Se kama fikirno sidaynu uga gaashaammanaa.

Soomaalidu waa dad ku wanaagsan wax isa siinta, kolka ay abaari dhacdo waa la gurmadaa cid waliba waxa ay bixisaa wixii ay karayso, lacag malaayiin dollar ah ayaa la isu soo ururiyaa, oo dadka jal iyo biyo lala gaadhaa.

Ka warrama haddii aynu sannadka danbe ka gaashaamanno abaar danbe oo dhacda? Waxa aan hayaa qorshe Jaban oo macquul ah.Kolka ay abaari dhacdo, waxa meesha ka baxaa laba shay; 1. Calafkii xoolaha (calafka dadkuna wuxuu ku xidhan yahay xoolaha) iyo 2. Biyaha. Qorshahani waxa uu ka duulayaa sidii labadaas loo sugi lahaa 12 bilood ee sannad kasta.

1. Biyaha:

Sannadka kasta waxa Somaliland ka da’a roob lagu qiyaasay 14.5 inch (Somaliland in Figures, 2010). Biyahaasi 90% waxa ay galaan badda, dhulkana waxa ay u gaystaan dhibaato deegaan oo ay ugu wayntahay nabaad guur baaxad leh. Su’aashu waxa ay tahay side biyahaas looga faa’idaysan karaa.

Jawaatu ma cusla. Keliya waxa aynu u baahannahay qorshe iyo wax qabad daacad laga yahay shicib iyo dawlad ba.Ka warrama haddii aynu xooggeenna isugu geyno in aynu dalka ka samayno biyo fadhiisinno waawayn (Harooyin gacan ku samays ah) oo laga sameeyo meelaha dooxyada waaweyni biyaha isugu daraan. Dawladdu qalabka ha keento (cagafyada, isku rogooyinka I.W.M), ganacsatadu dhaqaalaha ha bixiso (Shidaalka, cuntada dadka shaqaynaya I.W.M) shicibka iyo askartuna xoogga ha bixiyaa, iyo khubaradii cilmiga u lahayd oo Iyana ku tabarucda aqoontooda. Waxaan hubaa inaynu sannad gudihii dhawr biyo fadhiisin samaysan lahayn. Biyahaas waxa looga faa’idaysan karaa si walba (Cabitaan, Beerasho I.W.M)

2. Baadka (Calafka Xoolaha):

Dawladdu ha qorshayso dhul daaqsimeeka gobol kasta, oo ha u qaybiso afarta xilligi: Qayb guga oo qudha la daaqo, qeyb xagaaga la daaqo, qeyb jiilaalka la daaqo iyo qeyb dayrta la daaqo. Waxa kale oo loo baahan yahay in dadka la baro sida ay xoolahooda u nafaqayn lahaayeen (Sida in xoolaha la nasiyo, calafkoodana loogu beero)

Bal sawiro intaas oo la isla helo. Nimcadu saw may dhaqaaqdeen?

Adigu qorshe maxaad haysaa?

Qore Mustafa Ahmed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories