Home“Siday xukuumaddani ugu Dhiirratay Inay ciidamada Derejo siisay ayey ugu dhiirran tahay...

“Siday xukuumaddani ugu Dhiirratay Inay ciidamada Derejo siisay ayey ugu dhiirran tahay inay Amar siiso, idinkuna…” – Wasiir Cukuse

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

cukuseHargeya (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacgelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa hadlay muranka iyo isqabsiga ka dhex-aloosan Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay.

Wasiir Cukuse waxa uu ku dooday inay xukuumad ahaan abaal lama ilaawaan ah u galeen Saxaafadda madaxa-bannaan, una ogolaadeen xorriyad dheeri ah, isaga oo taas ku micneeyey mid ka shidaal-qaadanaysa wada-shaqayntii ka dhaxaysay xilligii ay mucaaradka ahaayeen, isaga oo hadalkaas ku difaacaya kaalintii ay saxaafadda madaxa-bannaan ku taageeri jirtay xukuumada Kulmiye wakhtigaas..

Md Cukuse oo maanta ka hadlay kulan lagu naaqishayey caqadaha ku gedaaman saxaafadda madaxa-bannaan iyo sidii Xal wax ku-ool ah looga gaadhi lahaa, waxa uu sheegay inay jiraan duruufo la deris ah warbaahinta madaxa-bannaan oo keenaya is-faham la’aan uu sheegay inay dhibaatooyin badan keenikarto oo u dhexeeya saxaafadda iyo xukuumadda, isla markaana u baahan inay labadoodu isla qaataan wax laysla oggol yahay.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Baahida in la isku dhaco keenaysa ee Qalqaalinimadiina-na fara badinaysaa waa  baahi sharci, waxaana Maskaxdiina ku jirta xukuumaddani kuwii hore way ka dhiirran tahay,  waana run oo way ka dhiirran tahay, waayo xukuumaddii hore kumay dhiirran inay Ciidamada derejo siiso, markaa siday xukuumaddani ugu dhiirratay ciidamada derejada siisay, ayey ugu dhiirran tahay inay  Amar siiso, idinkuna inaad dhiidhiibsataan baa loo Baahan yahay.”

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Saxaafadda madaxa-bannaani Dawladda Kulmiye abaal bay u sheegataa, laakiin anaguna saxaafadda Abaal badan baanu u sheeganaa oo qalqaalinimo iyo inay durduriyaan baanu ka Ogolaanay, waliba waanu sii jeedsanaa oo waxaanu nidhaahnaa waydinkii berigii la ogolaaye maantana ka yar daaya. Xukuumaddani inay Katiinad soo qaadato, waxay ka horraysiisaa ergooyin madaxdiina saxaafadu galaan oo haddii nalaga soo diidana waxanu nidhaahnaa waa ayaan-darro, haddii kalena waanu aqbalnaa.”

Wasiir Cukuse waxa uu ka hadlay sida uu u arko xayiraadda Xukuumadda uu ka tirsan yahay ku soo rogtay Wargeyska Haatuf, “Anigu Haatuf in la Xidho kuma Faraxsani, sidoo kale Haatuf 15-cisho oo isku xiga inay Nin aan Dalkaba u shaqayn subax walba inay maagto raalli kama ihi, Yuusuf Cabdi Gaboobe-na saaxiib baanu nahay, laakiin kuma raacsanin inuu iska maago Baashe, waana muwaadin caadi ah oo inuu noolaado Xaq u leh. Waxay Haatuf u haysataa inuu Baashe xidhay dalkana ma Joogo, Cali warancadde iyo wasiirrada kale ee Jariiradu maagaysay ayaa dacweeyey. Inay sidaas  wax u dhacaanna kuma faraxsani,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories