HomeSiday Safiir Baashe iyo Wasiir Samsam ugu Guulaysteen Qorshohooda Dillaalnimo ee Wareejinta...

Siday Safiir Baashe iyo Wasiir Samsam ugu Guulaysteen Qorshohooda Dillaalnimo ee Wareejinta Maamulka Dekedda Berbera?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Dibai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo ah Wiilka uu Soddogga u yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo Saaxiib dhaw la ah Qoyska Madaxtooyada, ayaa ku guulaystay Mashruucoodii dillaalnimo ee wareejinta Maamulka Dekedda Berbera.

SAXEEXAInkasta oo hirgelinta ka midho-dhalinta Mashruucaasi muddo sannado ah ku qaatay, haddana waxay markii ugu horreysay himiladoodan ku guulaysteen markii ay Isniintii toddobaadkii hore Wefti uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayaa ku guulaysteen inay heshiis la saxeexdaan Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee qaabbilsan Dekedaha ee lagu magacaabo Dubai Port World (DPW), taasoo muddo ku taamaysay hanashada Marsada Berbera.

Waxa heshiiskaas dhinaca Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo aan hore uga dhex-muuqan jirin Mashaariicda dillaalnimada ah marka laga reebo kuwa la soo mariyo Sanduuqa Koox Ku-macaashka loo yaqaanno ee loogu yeedho Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fun) loona soo gaabiyo SDF.

Wasiir Sacad, ayaa la tilmaamay sababta uu u saxeexay isaga oo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ahi jiro inay tahay Astaan Reernimo maaddaama oo uu ka soo jeedo gobolka Saaxil oo ay ku taallo Dekedda Berbera si aanay dadka gobannimo-u-dirirka ah ee reer Saaxil ee ka soo horjeeday Wareejintii Haamaha iyo kan Dekeddaba aanay Cid kale ugu suntannin Dhaxal-wareejinta Dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka mid ah Weftiga Madaxweynaha ee wax ka dhammeeyey wadahadalka lagu gaadhay Heshiiskan lagu wareejiyey Dekedda Berbera ee ee Isniintii hore ka dhacay magaalada Dubai, waana laba Masuul oo awood badan isticmaala, isla markaana labadoodu wax ku lahaa Curinta Fikirka in Suuqa loo galo Dekedda Berbera, Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, Qandaraaska waxa loogu yeedho Lap-ka (Shay-baadhaha Shidaalka) oo weli ay si gaar ah gacanta ugu hayaan, oo ay uga shaqeeyaan Shaqaale ay Beel ahaan aad isugu dhaw yihiin labadan Masuul, Aaminaad ahaanna ay ku kalsoon yihiin oo si gaar ah ugu adeega, sida uu Xogo Rasmi ah ku helay War-sidaha Aftahannews.com oo muddo ku dabo-jiray xaqiijinta Xogaha Xatooyada Qaran ee Somaliland ka socday dhawrkii sannadood ee u dambeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata Fikirkan wareejinta Dekedda Berbera ee ay Curiyeen Samsam Cabdi Aadan, Baashe Cawil, Marwada Madaxweynaha iyo Shaqsiyaad ka mid ah dadka ay ku Sir-qarsadaan oo ay wada falanqeeyeen arrintan inuu midho-dhal yahay Maanta, isla markaana ay ugu guulaysteen sidii ay iyagu Rabeen.

Illaa hadda Xukuumaddu si cad Saxaafadda iyo Golaha Wakiillada toona ugumay soo bandhigin Qoraallada Heshiiskaas, marka laga reebo ka hadalka Masuuliyiinta Wasiirka saxeexay ka mid yahay iyo Dadka Weji-ku-macaashayaasha loo yaqaanno oo maalmihii u dambeeyey ay Xukuumaddu adeegsanaysay, kuna dhawaaqayey weedho ay ka mid yihiin; “Waxaannu Taageersannahay Heshiiska Maalgashiga Dekedda BERBERA, waxaannu soo dhawaynaynaa Heshiiskaas…..” iyo Erayo Nuxur ahaan kuwaas la macno ah oo ay Masuuliyiinta Xukuumaddu u yeedhiyeen Dad Shacab ah oo Madax-dhaqameed u badan.

La Soco Xogo Faahfaahsan oo aynu ku soo bandhigi Doonno Mawduucyada kan xiga ee Faallaynta iyo Faaqidaadda Xogaha Qorsoon iyo Qorshayaasha Dahsoon ee Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan iyo kuwo Qoys ahaan ugu lammaani uga faa’iidaysteen Hantida Qaranka, kuwaasoo aan keliya ku koobnaan doonin Masuuliyiinta Kor ku Xusan oo Mashaariic badan oo aan si cad Bulshadu u ogeyn Shuraako ku ah, kuwaasoo Qaarkood loo ekaysiiyo waxyaabo Dano Qaran, Balse Shaqsiyaadkaas iyo Shaqsiyaad ku lammaan uun ku aroora.

XIGASHO: AFTHANNEWS.COM

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories