HomeSiday Ganacsiga Ugu Horumartey Uma Hanaqaadin Hab-Nololeedka Magaalada Tog-Wajaale (WARBIXIN)

Siday Ganacsiga Ugu Horumartey Uma Hanaqaadin Hab-Nololeedka Magaalada Tog-Wajaale (WARBIXIN)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Weriye: CabdiKariiim Muxumed Cadde (Qaamuus) – Tog-Wajaale

Tog-wajaale waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu guunsan amaba ugu faca weyn gebi ahaan magaalooyinka ku yaala gayiga Soomaalidu dagto.waxayna magaalada tog-wajaale soo jirtay waayo badan oo waagii baryaaba waayihiisa lahaa,wakhti xaadirkana waxaa ku yaala suuq ganacsi oo ka mid ah suuqyada ganacsi ee ugu waawayn geeska afrika,suuqaasi oo ay ka adeegtaan guud ahaan qoomiyadaha ku dhaqan wadamada geeska afrika.Waxaana lagu naanaysaa hada magaalada tog-wajaale dubia,da Somaliland iyo dekada qalalan.

TogwaInkastoo ganacsiga ka socda magaalada tog-wajaale haatan uu marayo heer aad u sareeya,oo ay tahay horyaalka ganacsiga wadanka,hadana  siduu u hanaqaadey ganacsiga tog-wajaale uma horumarsana hab-nololeedka magaaladu,Oo halka  ganacsi ahaan magaalada tog-wajaale hawaysanayso inay hormood u noqoto ganacsiga geeska afrika dhanka  nolosha markaad eegto hab-nololeedka iyo hoyga qoysaska ku dhaqan  lamay  jaan-qaadin tadawarka ganacsi  wax badana kama duwana muuqaalkooda nololeed waayadii hore ee magaaladan tog wajaale lagu magacaabi jirey,garoonka,laanta-curdinka,iyo berri samaadkii . maxaa yeelay dergadihii  waxaa lagu bedalay aqalo bee-bee loogu yeedho,laba-deryaalihiina waxa lagu bedalay faransaawi oo ah aqal jiingad ka samaysan hasayeeshee wali dayrkii guryaha wajaale  waa oodii .

TogSuuqyada ganacsi ee ka furan gudaha magaalada tog-wajaale oo ah kuwa aad u camiran ayaa ah kuwo adeegoodu u gaar yahay ajaanibka iyo dadka kale ee ka imanaya magaalooyinka waawayn ee dalaka,balse waxaanu suuqyadani saamayn sidaasa ku lahayn isla markaana aan ku jirin liisaska dalabaadka suuqyada bulshada deegaanka oo u badan beeralay ku teedsan nawaaxiga magaalada,hadaad u fiirsatana kaliya waxay indhahaagu qabanayaan qaar sita alaabo u badan electronic sida moobilo ama tooshash,hasayeeshee ma arkaysid qof kaliya oo ka soo iibsadey  suuqa magaalada alaab uu u isticmaalo farsamooyinka nololeed ee deegaanka.

TogwajInta badan Ganacsatada meheradaha ku haysta suuqyada magaaladu  waa  wada solane kaligii  ku nool tog-wajaale halka qoyskiisuna deganyahay magaalooyinka kale sida Jig-jiga, Gabiley, Borame, Hargaysa, Burco iyo qaar kaloo badan. Waxayna u muuqdaan ganacsato degan meel ay si ku meel gaadh ah  ugu ganacsanayaan oo aan mudad uun garanayne balse  geedi ah.

Tog2Sidoo kale asal ahaan dadkii ku noolaan jiray magaalada ayaa iyaguna noqdey kiro ku nool degan magaalooyinka kale oo badankoodu u guuray caasimada hargaysa taasi oo ay sabab u tahay magaalada tog-wajaale oo gabi ahaan ka aradan adeegyadii bulsho ha ugu darnaadaan caafimaadka iyo biyuhuye.

TogwajaaleDhakhtar la’aanta,iyo biyo la,aanta waxaa u dheer saxo xumo iyo nadaafada magaalada oo aad u liidata goobtaad martaba waxaad arkaysaa xashiish iyo baco wax ku jiraan oo tuulan,hasayeeshee waxaa ugu sii daran markaad aragto  goobtii hilibkii iyo xashiishkii magaalada oo is barkan,waxaana isku hal meel ku yaala magaalada tog-wajaale kawaanka iyo goobta xashiishka taasi oo hadaan laga gurman waxyeelo aan laga soo waaqsan gaadhsiin doonta caafimaadka guud ee bulshada.

Sikastaba ha ahaatee, markaad isku soo duubto, isma laha aduunka iyo alaabta taala iyo araga  magaalada tog-wajaale,dhanka kale ma laha dhaxantii iyo qabowgii darnaa ee looga bartay wakhtiyadan oo kale jiilaalka  magaalada tog-wajaale, taasi oo  loo aanaynayo inay saamayn ku yeelatay isbedalka cimillada adduunka .

Weriye: CabdiKariiim Muxumed Cadde (Qaamuus)

Tog-Wajaale, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories