HomeSidaad Dadka Ku Kasban Kartaa Markasta iyo Meelkasta oo Aad Joogto

Sidaad Dadka Ku Kasban Kartaa Markasta iyo Meelkasta oo Aad Joogto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Isticmaal Luqadaada Qarsoon Kasbana Dadkaaga”Qore Maxamed Cabdi Ibrahim Caafi

Waxaan jeclay inaan maanta ka hadlo mawduuc dadku ayna qalinka u qaadan in badan waxaan ku bilaabay; Ilaahay aqoonta wuxuu inoo siiyay inaynu ku kala garano waxa fiican iyo waxa xun.Aqoontu kaliya maaha kaliya wax jaamacad looga soo baxo  waxaa jira aqoon kale oo qofka bani aadamkaa la jaanqaada yaraantiisa ilaa uu ka dhimanyo  maalin kasta.Qofka bani aadamku waxbaa u kordha halka qaarna ay wax ka dhacaanMaanta waxaynu diirada yara saari doona aqoonta rabaaniga ah ee ilaahay ku beeray Qofka balse ay yar yihiin dadka isticmaala waxaad aragtaa qof dulqaad yar waxaad aragtaa qof go’aan qaadasho aan lahayn

waxaad aragtay dad badan oo ku dadaalaya inay dadka kalsooni ka samaystaan lkin ayna u suuroo galin waxaa jirta qof meeshii uu ka shaqo galo iyo ciduu la kulmaaba ay isku dhacaan taas oo sababta inuu ugu dambayn cidlo ku dhaco dadkuna ku xantaan qof dabeecad xun maanta waxaan jeclahay inaan yara sharaxo aqoonta barashada luqadaha luqaduhu maaha kaliya af ingiriiska carabiga iyo somaliga balse waxaa jira luqado ka badan tan oo qofka baniaadamkaa looga baahan yahay inuu adeegsado hadaad shaqaale tahay iyo hadaad ganacsade tahay waxaa kula gudboon inaad isku daydo bal inaad qaacidadan isticmaasho waa hubaal inaad inta noloshaada ka dhiman farxad ku noolaato hadii alle ku waafajiyo qof kasta  wuxuu doono ha ahaado kula dhaqan oo ku ixtiraam wuxuu yahay isku day inaad qof kasta kula hadasho luqadiisa

luqadani waxay kuu sahlaysaa inaad meel kasta oo tagto aad farxad iyo is faham  kula noolaato

waa hubaal akhriste hadaad ku dadaasho inaad dadka farxada u balaadhiso aad kasbanayso dad farabadan maamulaha shaqaalaha ninka waalan iyo ka cilmiga lehba kula dhaqan wuxuu yahay taas ayaad guul aakhiro iyo guul aduunyoba ku gaadhi kartaa ixtiraam oo dabeecadiisa baadh ka dibna la qabso Isku day inaad Daristo qofku wuxuu yahay wuxuu ka helo iyo wuxuu diido haduu wado xun doonayo inaad ku raaligaliso ama aad ku ixtiraamto ha ka yeelin kaas go’aan adag ka qaado waayo wuxuu kaa biyo dhicinayaa kalsoonidii dadka kale

waa dhab inuu dadka wadada xun ay mar walba ka yihiin bulshada wax yar hadaad ka hor tagto waxaa ku jeclaanaya kalsoonina ka helaysaa inta badan dadka oo wanaaga jecel markaa isku day mar walba inta badan ee wanaaga jecel inaad ixtiraamto wanaagna kula dhaqan to qof kast ilahay wuxuu siiyay garaad kora isku day inaad balaadhiso  caqligaaga

jeclow dadka wanaagsan mar walba ha kaaga soocnaadan dadka kale kuwa lunsan isku day inaad adoo isticmaalaya maskaxdaada inaad ku soo dabaasho wadad saxdaa horaan u aragnay dad aan dad aan aqoon luqada dadka lagula hadlo lkin hadii ay cidwalba fahmi lahayd  muran iyo buuqba ma dhaceen  waxaa kaliya oo inaga hortaagan shaydaan oon ogolayn in la heshiiyo  farawgeda ha la qabto sidii shaydaan loola dagaalami lahaa allena haynagu garab galo

intaan sheegay ka badan ayaa jirta balse waa inta kaliya alle i waafajiyay inaan maanta qoro intani waxaa jira dad badan oo guulo gaadhay tu aakhiro iyo tu aduunyoba ku dayo dadkaasi waayo tani waa guushaada isku day oo cashar ka dhigo wixii ku dhaafay kuna dabaq maalmaha kaaga hadhay nolosha ku dadaal raaligalinta rabi waayo hadaad ilaahay raaligaliso dadku way ku jeclaanayaan alle ayaa kuu sakhiraya wax kasta hankaaga hunguri ha ku iibsan iyo laaluush waayo alle ayaa hore kuugu qoray waxaad cuni lahayd hadaad badso is tidhaa heli maysid dhimana maysid ilaa aad ka dhamaysanyso risqigaaga ku dadaal markaas adoo taa rumaysan inaad wax qabsan karto

waayo ilaahay  ayaa kuugu talo galay u shaqayso aduunka sidii inaad waligaa noolaanaysid  aakhirona inaad iminka dhimaysid oo kale bixi waxa alle kuu dhiibay adoo dar ilaahay u bixinaya taasi waa guul wayo ma khasaarto sadaqadu ducayso mar walba waayo ducadu ma soo noqoto lamana aqbali waayo ilaa sadex mid inay noqoto mooye

  1. in alle kaa aqbalo ood hesho waxad ku ducaysatay aduun iyo aakhiroba
  2. in alle balaayo kugu soo socotay oo aanad war iyo wacaal u hayn kaaga difaaco
  3. iyo in alle kuu kaydiyo ilaa uu aakhiro oo ah halka loo socdo uu hadyad kaaga dhigo

kudadaal markaas  waa hubaal inaad farxad ku noolanayso

alle hayna waafajiyo khayrka iyo guusha markasta

wa bilaahi tawfiiq

Qore: Mohamed Abdi Ibrahim

Email:dr.caafi10@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories