Home“Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo, qof wal...

“Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo, qof wal oo muwaadin ah waxa laga rabaa in wixii uu hayo uu wax ka bixiyo”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Covid-19, natiijooyinka kasoo baxay baadhitaannadii la sameeyey ee caddaynaya sida uu cudurku u faafayo, isaga oo bulshadana u diray waanooyin wax ku ool ah oo ay xanuunka kaga hor tagi karaan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay goor dhaweyd, ayaa ugu horrayn shaaca ka qaaday in natiijooyinkii ugu dambeeyey ee uu saaray mishiinka casriga ah ee lagu baadhayo xanuunka COVID-19 muujinayaan inuu cudurku si xawli ah bulshada ugu dhex faafayo, islamarkaana bulshada looga baahan yahay inay halistaas soo korodhay ku baraarugsanaato, kuna dhaqmaan tallaabooyinka xanuunka lagaga hortegi karo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ugu baaqay in qof waliba si iskii ah uu isaga baadho xanuunka, si la dagaallankiisu u fududaado, faafitaankiisuna u yaraado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in  kala-fogaanshaha iyo  joogtaynta gacmo-maydhashadu fure u yihiin tallaabooyinka lagaga hortegi karo xanuunka, “Maadaama oo aynaan haysannin mishiinno badan oo wax baadha oo magaalooyinka oo dhan aanay inoo oollin waxa waajib ah, si taas loo helo saddexda qodob ee adduunka oo dhan la isku waafaqsan yahay ee laga midaysan yahay waa kala fogaada, Afka xidha, faro-xasha, waa sida qudha ee lagu yarayn karo fididdiisa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inay is caawiyaan xaaladdan cusub ee la galay, islamarkaana qof waliba waxa uu hayo uu dadkiisa iyo dalkiisaba u huro, waxana uu yidhi, “Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo inaan xadka lasoo gelin iyo sida askariga habeenkii oo dhan wareegaya ee tuugga ay dagaallamayaan naftiisa ugu hurayo inaad nabad ku seexato, qof wal oo muwaadin ah waxa laga rabaa in wixii uu hayo uu wax ka bixiyo, waxa la hayana aqoontaa ugu badane qofkii aqoon hayaa aqoontiisa haku deeqo, xooggaagaa ku xigee wax ku tar waa loo baahan yahayee, adduunkaaga wax ka tar.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories