HomeSida aynu ugu Xidhanahay Teknoolajiyadda (Technology)! – W/Q: Cabdifataax Maxamed

Sida aynu ugu Xidhanahay Teknoolajiyadda (Technology)! – W/Q: Cabdifataax Maxamed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Werwer badanaa qofka aan Heysanin Mobile,Naxdin intee leeg Ayaase ku dhacdey qofka Mobilekiisii meel ku ilaawey,laga xadey ama uu ka lumey.Horumarka qof gaadho waxa laga Gartaa inta uu ka heysto Qalabada Tiknoolajiyada la xidhiidha.Helida Agab cusub oo la xidhiidha Tiknolojiyada ayaa inteena badan hamigooda iyo Fikirkooda ka mid ah,In la bedelo  Telefoonka gacanta,In la heysto Laptop,in La heysto Guud ahaan agabka wax lagu barto ama lagu shaqeeyo ee la xidhiidha Aaladaha Casriga ah ayaa ina Farxad gelineysa.Qalabadani Tiknology waxa ay inagu Xidheen Wejiyo iyo dad aynaan Arkeynin laakiin aynu heli karno Warkooda iyo Taagerada ay inoo hayaan intaba.Qof ku dhow  oo aad Aragto Maalin kasta Ayaad ka jeclaaneysaa Qof kaa fog oo aad ka wada Xidhiidhaan Baraha wada sheekeysiga Bulshada.Kama madax banaanin kamana Xoroobi doono Isticmaalka iyo Adeegsiga Technology.

Inta aynu Codka qofka Maqleyno,kuna wada xidhiidheyno Khadka Isgaadhsiinta kala duwan wax inaga maqani Ma jiraan.Gacanta Ayuu ku heystaa qof kastaa Mobile uu ka sugaayo Codka qof kasta iyo Cidkasta oo Rabta.Gacantaada Ayaad ku sidataa Liistada dadka aad Xulatey Aqoonta iyo Macaariifnimada ama Ehelnimaduna idinka Dhaxeyso.”Waxaan Arkaayey qof Xanuunsanaya oo Dadku ku leeyihiin Qofkee Ayaanu ku qaraacnaa si laguu ogaado oo aan la hadalnaa”.Sida aad u rumeysan tahay in qof kastaaba kuula Joogo oo aanu ka fogeyn kaana Xigto intaad la soo baxeyso Lambarkiisa gaark ah Ayaa adigana laguula jooga oo loo helayaa lana ogaan doonaa wax kasta oo Telefoonkaaga gacanta lagula hadlo ama ku soo dhaca.Qof doonaaya oo aad Jecleyd haddii la soo siiyo,Waxa kale oo la soo siin karaa qof ku xidhaaya ama Dembi kugu soo oogaaya.

Xidhiidho badan oo Lagu guuleysto iyo kuwa Aakhirka Fashil ku dhamaadaba waxa Suurtagal ka dhigey laguna Xasuustaa Adeegsiga  technology gaar ahaan Barta wada shekeysiga Bulshada ama Ku hadalka Telefoon gacmeed.Haddaan Moodaayo in aynu sidan isku Khilaafi doono,Kaamaan qabteen Markii aad isoo wacdey,Kamana Jawaabeen Fariimihii aad isoo Dirtey Ayuu qof kale isku Canaantey.

Waxa aynu Helnay Bar kulano Noloshan casriga ah lagu heysto oo qofku Dareenkiisa,Farxadiisa,Cadhadiisa iyo Aqoontiisaba kula wadaago Asxaab kale.Meel Jawaabo ku farxad gelineysa aad ka bixineyso Qoraalo dad kale,Meel waxaad soo qorto la soo dhaweynaayo,Meel Dadku waxa qoran iyo Fikrada qofka ay la eegayaan iyaga oo aan xitaa is arag ama is aqoonin intaba.Meel qofba taageerayaal iyo Asxaab gaar ah ku leeyahay la qaada dhigta Afkaartiisa iyo Aragtiyihiisa nololeed ama Maalintaasi uu gudbinaayo.Waxa aynu noolnahay Wakhti wax badan Taabasho iyo Click inaga Xigto.

Xidhiidho ka duwan kuwa berigii hore bulshada dhex mari Jirey aaney waxani Jirin ayaa Furmey,Waxa la odhan karaa Dad badan ayaa Adoomo u ah una Noqdey in ay wakhtigooda ku qaataan una Hibeeyey Dul fadhiga iyo ku xidhnaanta si Joogto ah Baraha wada sheekeysiga.Sida kuwo badan Ku hadalka telefoonka ama Daawashada Tvgu u noqotey Balwad iyo Hiwaayad nololeed oo aan laga joojin karin.

Sir kasta,War kasta,Sheeko kasta,iyo Aqoon kasta ayaa lagu gudbinayaa laguna helayaa iyada oo loo badalay Hab casri ah oo ka duwan sidii waayadii hore iyo buugaagtii ama Cajaladihii.Rabshado,Dagaalo iyo Arimo argagax leh iyo kuwa Khilaaf dhalin karaba dhinaca Technologyada ayaa wadata.Qoysas badan Ayaana ku dumey kana qaadey cudurka shakiga Agabyada technology oo lamaanuhu gaarka u kala sitaan iyo ku hadalkooda gaarka ah.

Nolosha kama baxeyso Isticmaalka Technology,Waad ku hadleysaa,Waad ku baraneysaa,waad ku daawaneysaa,waxaad ku goosaneysaa Tikidh iyo Socdaal,Waxaad ku bixineysaa ama heleysaa Lacagtaadii,waxaanad kula Xidhiidheysaa Xarumaha caafimaadka,badbaada iwm.Waxaase Dhibaato ah in Xasuustii Maskaxdeena aynu u badalno Xasuus kale oo Agabkaasi loo adeegsanaayo oo wax kasta lagu qortey,lagu diro,laga helo,lagu qorto,laga akhristo,lagana daalacdo.Ma Xifidid Lambarada badan ee Mobilekaaga intooda badan waanad ilaaweysaa,waxaase kugu Filan Taabasho qudha.

Isku soo wada Duub Yaab ayey laheyd markaan Akhriyey  qof leh Waxa Maanta dhintey Mobilekeygii oo aan ka murugeysanahay,tacsina u dirayaa,Wuu waayey ama Xumaadey, ama laga Xadey wuxuuse Isticmaaley Erayga  Dhimasho.Haddii Mid kale la siiyo ama uu iibsado Eray bixin caynkee ah Ayuu adeegsan doonaa.Laakiin Aniguba Beri hore Ayaan Sannado hore ka hor ka qorey Sida Laptop hore iiga Xanuunsadey.

Waa Qoraal igu Dhashey Aniga oo Masaajid ku sugan isla markaasina Arkaayey qof Telefoonkiisa gacanta ku ilaawey Rooga Masaajidka dushiisa oo ka tagay,Ka dibna Isaga oo Naxsan dib ugu soo Noqdey uguna Yimi isaga oo halkii  weli Yaala,Waxaan Arkaayey Naxdintii  ka muuqatay Wejigiisa iyo Farxadii markii danbe.Zaad,Liistadii dadka,Balamo,Reerkii iyo Shaqooyinkii oo dhan Ayuu mar qudha ka warwerey haddana wada Helay.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories