HomeSida aan cadceeda loo waayin ayaan saxiibka wanaagsan loo waayin! - BY...

Sida aan cadceeda loo waayin ayaan saxiibka wanaagsan loo waayin! – BY MOHAMOUD AREB

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sawirrSaxiibka suubani

Sadrigiyo laabtiyo

Niyadaa salkeediyo

Qalbiguu sifeeyaa

Suradaha quraankiyo

Sadkii lagu ducaystiyo

Sareeduu jeclaystaa

Allow saxiib wacaniyo

Qaar samaha jecloo

Na saluugin waligood

Sumadooda noo badi

Saxiibku waa muraayada keliya ee uu isku eego ama uu isku daawado  qofku, marxaladaha kala duwan ee soo noqnoqonaya ee ku suntan wareega nolosha ayaa marna wanaagsan marna xumanaya waxana laga yabaa in mararka qaar aad saluugto ama aad u adkaysan waydo xaladaha adage ee kaa soo wajahaya dhinca nolosha .

Xaaladaha adag ee kusoo maraya ayaa kuu kala xaqiijinay saxiibkaaga rumaad iyo saaxiibka beenta ah ee kugula jira sawirka kurka ah kaas oo ah saxiibka guud oo keliya balse aan intaa dhaafsiisnay oo keliya inaad tihiin saxiib

Tan iyo marka uu qofku ka hana qaado garaadka ee uu kala garto sax iyo qalad si sax iyo maan ah waxa uu ku dhex barbaraa bulsho kala duwan sida saxiibada jaarka, saxiibada iskuulka, saxiibada kubada iyo saxiibada shaqada

Dareenka saxiibtinimada ee qiimaha iyo qayaha badan waxa uu qofku dareema marka uu qofku galo xalad ama dareen farxadeed ama xalad murugo iyo ciil ka dib waxa ay maskaxdu iyo naftuba ay tabtaa qiimaha uu leeyahay qofka saxiibkaa ahi waayo saxiibku waxa uu u yahay nafta xanuun baabiye iyo in qofku uu ku nasto oo uu ku nagaado xaladaha nololeed ee kala duwan , saxiibku waxa uu markasta oo xaladi ku soo food saarto waxa uu noqonayaa ka keliya ee aad ka dhigato wehel iyo walaal  hore ayaa loo yidhi “ kula dhashe aan kula dhaqan ahayn waxaa kuu dhaama kaa dheere kula dhaqana’’ waxaa laga yabaa in aad kala dhaqan iyo dhaqasho duwanataan walalkagii  ay hooyo idin wada dhashay naaska aad soo wada jaqdeen markalena laga yaabo in aad muddo badan soo wada noolaydeen . balse saxiibka uu noqdo mid kaaga wanaagsan oo kaga qiimo badan walalka waayo waxa uu si niyada kuula wadagaa hadba xalada aad ku nooshahay oo uu si xaqiiqo ah uu kula dareemayo.

Kuuma kala duwana asxaabtu oo dusha waa ka wada saxiib ,saxiibkay waa mid kamid ah hogamiyaasha aan ku daydo ee aan mar walba ku hamiyo inaan noqdo siddiisa oo kale markasta waxaan jeclahay inaan ka agdhawaado lakiin wakhtiga iyo wayaha adduunyo  ayaa mar walba nasiib ii siinin inaanan ka fogaanin , balse wakhti kooban oo aad u yar ayaan marmar Janis iyo nasiib u helaa wakhtigaasi aan ka agdhawadana waxa uu si hagar la,aana iigu deeqa xantoobo talooyina, maalin aan aad u fogayn ayay ahayd markii aan fursad u helay inaan la qaato wakhti aad u yar iyada oo ay ka mid ahayeen erayo dhaxal gal ah oo noloshayda isbedel balaadhan ku sameeyay samayn iyo mug wayna ku leh noloshayda kuwaasi oo ahaa  markasta ku ducayso ducada “ ALLOW HA NAGU FADEEXADAYN DHULKA DUSHIISA  HOOSTIISANA HA NAGU CADAABIN”  waa duco aad u qaliya waayo waa duco koobaysa if iy aakhiraba aamiin amiin yaa rabi.

Waxa kale oo aan aad ugu xasuusta oo igusoo noqnoqta duco kale oo ah                 “ALLOW CISSI BAANU KU WAYDIISANAYNAA ADIGAA CISSI IYO SHARAF OO DHAN LEHE “

Dhinaca kale ee nolosha waxa iyaguna xasuus maan guurta ah ku abuuray maskaxdayda  “ markasta  ku kalsoonow naftaada qabo waxa aad qaban karto waxa aad qaban kari waydidna ha u arkin dhib waayo  waxay ka mid tahay raganimada “

Saxiibka wanaagsan waxa lagu helaa si aad u adag maxaa yeelay dadkeena inyar ayaa ah in aad isku si u fikiraysaan oo aad u wada socotaan jiho tariikhdu waa ma guurto saxiibkaga wanaaji si uu isaguna uu kuu wanaajiyo, noqo sida damal hadhwayn oo ay ku nastaan maskaxda saxiibadaadu si ay kuu xusaan kuna xushmeyaan marka aad la joogto iyo marka aad ka maqantahayba , saxiibadada ha wada muudsan ee dib  u dhigo qaar

Saxibka caqli gaabka ahi waxa uu ka hadlaa  dadka, saxiibka  aan dhamayska ahayna waxa uu ka hadlaa khiyaliga iyo malo awaalka ,saxiibka dhabta ahina waxa uu kaala hadlaa  dhacdooyinka aad ku sugantahay  , noqo saxiib marwalba lagu hirto .

Saxiibkaga dhabta ah ma ogaan karti ilaa aad ka ag fogaatid oo aad meel fog kala tagtaan waayo markaasi ayaad ogaan kartaa inuu yahay qof ama saxiib nafta loo huri karo oo lalasii jaanqaadi karo oo aad kaga baxdo ciil iyo cadho kulana wadaaga farxad iyo fayoobi.

“Saxiibka wanaagsan beerka ka ogsooni”

Noloshu waa daqiiqad iyo wax ka yar ee ka faa,iidayso oo reeb xasuus waayo xasuusto waxa ay qofka u yeesha ama ay gelisaa nolol kale .

 

W/Q: MOHAMOUD AREB (SABUUB)

WA BILAAHI TAWFIIQ

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories