HomeSi Togan U Fikir!

Si Togan U Fikir!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Si togan u fikirnimadu waa in aad doorato in aad nolosha ka eegto dhinaceeda ifaysa amase wanaagsan oo aanad ka eegin dhinaceeda mugdiga ah. Sidoo kale waa qiridda iyo aqoonsiga in aanay noloshu ahayn kaliya caqabado, xanuuno iyo murugo se aad ogaato inay tahay iftiin, caafimad iyo farxad. Sidoo kale si togan u fikiriddu waa in aad eegto wanaagga dadka oo aanad eegin kaliya xumaantooda. Waa ka soo horjeedka si taban u fikiridda oo ah in aad eegto qaladaadka dadka iyo xaaladaha. Si taban u fikiriddu sidoo kale waa diirad saarista hal shay oo qof ama koox ama xaalad ka xumaaday halka malaayiin kale saxmeen iyo guud ahaan inad ku koobnaato uun hab fikirka xun.

Haddaba in aad si taban u fikirto iyo in aad si togan u fikirtaa waa dookh adiga kugu xidhan oo aad dooranayso, waxaanse kugula tallin laha inad sida togan u fikirto(waa iga talo uun). Waa caafimaad iyo xanuun aad kala dooranayso mid kastaabana dheeftiisa ayuu wataa.

Faa’idooyinka ku duuggan in si togan loo fikiro:

■ Dadka sida togan u fikiraa way ka nolol dheer yihiin dadka sida taban u fikira. Ugu yaraan toban sanno ayuu cimrigiisu ka danbeeyaa.

■ Dadka sida togan u fikira way ka asxaab badan yihiin dad ka kale wayna ka farxad badan yihiin.

■ Nolosha qoysnimo dadka sida togan u fikira way kaga nolol wanaagsan yihiin marka loo eego qolada kale.

■ Hoggaamiyayaasha iyo maamulayaasha sida togan u fikiraa way ka go’aan qaadasho fiican yihiin qolada kale.

■ Dadka si togan u fikiraa way ka kalsooni badan yihiin dadka kale.

Isku soo wada duub oo in aad si togan u fikirtaa waxa ay saamayn ku leedahay cibaadadaada, u dhawaanshiyahaaga Ilaahay, dadnimadaada, dhaqankaaga, akhlaaqdaada, dad la dhaqankaaga iyo guud ahaan noloshada.

Si togan u fikir waliga.

Muna Axmed Cumar

Hargeysa,Somaliland

 

BARNAAMIJKA LA TALI DHALLINTAADA

————————————–

Walaalkay|Walaashay waxaan kugula talinaya mawduucan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories