HomeSi loo helo Maslaxad Iyo Kalsooni raggu waxa ay Dumarka ka Qariyaan...

Si loo helo Maslaxad Iyo Kalsooni raggu waxa ay Dumarka ka Qariyaan Toban Sirood

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

In kastoo dadka dunida ku nooli ay ku kala duwan yihiin dhaqanka iyo caadooyinka, hadana waxa jira hab dhaqan ay ka siman yihiin inta badan dadka dunida ku nooli, marka laga hadlayo sirta jacaylka.

Sida ay daah fureen daraasado iyo cilmi baadhisyo lagu sameeyay arrintani waxa la isla waafaqay inay jiraan hab dhaqano ay ka siman yihiin ragga dunida ku nool intooda badani. Waxana la ogaaday inay jiraan qodobo sir ah oo aanay jeclayn raggu inay ogaadaan dumarka ay jeclaadaan. Waxaanay raggu had iyo jeer isku dayaan sidii ay uga qarin lahaayeen qodobadaa sirta ah.

Qodobadaa sirta ahi waxa ay kala yihiin:

1. Guur hore ama xidhiidh hore: Raggu badidoodu ma jecla in dumarka ay jeclaadaan ay ogaadaan haddii ay jiraan gabadh hore oo uu qabo ama xidhiidh ka dhaxeeyay iyaga oo ka baqo qaba haddii ay ogaadaan dumarku arrintaa in ay caqabad ku noqoto xidhiidhkooda jacayl ee cusub.

 2. Ubad Hore: ragga qaarkii ma door bidaan in gabadha uu jecel yahay ay ogaato haddii ay jiraan ubad hore oo ay u dhashay xaas hore.

3. Dhaqaalaha: Sida ay raggu u badan yihiin raali kama noqdaan in gabadha ay jeclaadaan ay ogaato hayntooda dhaqaale inta ay gaadhsiisan tahay iyaga oo ka cabsi qaba in duruuftooda dhaqaale ay raali ka noqon waayaan dumarka ay jecel yihiin oo uu dhicisoobo xidhiidhkoodii jacayl ee bilowga ahaa.

4. Xanuun ama dhibaato caafimaad Darro: Sida la xaqiijiyay ragga badidoodu kuma farxaan inay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin haddii ay jiraan xanuuno ama dhibaato caafimaad daro oo la soo derista ragga, sababto ah waxay diidayaan haddii ay u sheegaan in uu fashilmayo xidhiidhkooda jacayl.

5. Daacada iyo mushaharka: Ragga qaarkood ama sida ay u badan yihiin dumarka uma sheegaan tirada saxda ah ee mushaharka ay qaataan iyo daacadooda toona.

 6. Ubad la’aan: Haddii uu ninku soo guursado dumar hore oo aanay wax carruur ah u dhalin uma sheegaan gabadha ay jeclaadaan in aanay wax ubad ah u dhalin dumarkaa hore, sababtoo raggu waxa ay aaminsan yihiin in waxa keliya ee ay u damarku u daneeyaan guurka uu yahay sida ay carruur u dhalin lahaayeen.

7. Bedelka shaqada: Sida ay raggu u badan yihiin uma sheegaan dumarka ay jeclaadaan xaalada dhabta ah ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan mana jecla inay dumarku ogaadaan haddii uu ninkaasi damacsan yahay in uu ka tago shaqada ama uu ka badasho, umana sheegaaan ilaa ay fuliyaan.

8. Qirashada jiritaanka Raga ay saaxiibad yihiin: Ragga wax jeceli ma jecla in ay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin muqaalka iyo magacyada ragga ay saaxiibka yihiin, maxaa yeelay waxay wadnaha farta kaga hayaan in haddii ay saaxiibadood ay ogaadaan xidhiidhkooda jacayl inay ku kiciyaan mawjado hafiya jacaylkooda.

9. Cadhada iyo rabashka badan: Raggu waxa ay isku dayaan in ay ka qariyaan dumarka ay jeclaadaan dabeecad xumada, rabashka iyo cadhada si aanay u galaafan saamayna ugu yeelan barashada geedi socodka jacaylkooda cusub.

10. Iinta: Sida la wada og yahay qof waliba wuu yaqaanaa iintiisa laakiin wuxu isku dayaa in uu ka qariyo dadka kale. Ragga wax jeceli ma aqbalaan in ay ogaato gabadha ay jecel yihiin in ay ogaato intooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories