HomeSi Allay noqotay!

Si Allay noqotay!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Cagahayga yaryar, kabo buudhaa sudhan. Feedhahaygan qalan, maryahaa ku wadhan. Surwaalkaygan ballaadhan iyo kubkaygan duban ciid baa u dhaxaysa. Dhulkan tuuraha leh, laydhan aan qoyanayn, qorraxdan cadhaysan, dhexdoodaan iska aallaa. Dhaqaaq ma laha xubnahaygu dhammaan. Muddaan jiifay halkan, dadkii way iga tageen intii awoodi karaysay. Saddex ayaannu ka tagnay intii aanan dhicin. Qofkii afraad ee saxaraha looga tago, anigaygani weeyaan. Bartanaan ku dhiman intaan waagu baryin. Naftaa bixi la’, dacal uun iga saaran. Inta aanan dhiman, weji aad u madow Eebbahay la hor aadin, bal aan dib u eego, safarkaygani gaaban. Sababta aan u dhiman, bal aan sii yara baadho. Bal aan is weydiiyo, tahriibkan aan u baxay, maxaan kaga baaqan lahaa.

Haddaan ahaan lahaa macallinkii wax i baray, tacliintaan dhigayaan aad u fiirin lahaa. Wixii aan saluugaan kaba saari lahaa. Dhengadda aan sito baan iska tuuri lahaa. Dhallintaan qalbigooda dufan aan marin laa. Wixii aan kari waayo, maammulkaan u gudbin laa.

Hoggaankii waddankayga haddii aan ahaan laa, iimaankaan qabi laa. Xoolaha ummadda kuwaygaan ka sooci laa. Dadkaygaan hanan laa, iyagaan dhisi laa. Intaan meelahaa qayrkay, baryo tuugsi la joogo, intaydaan macnayn laa. Tacliintaan kobcin laa, shaqadaan kordhin laa. Sida loo siman yahay, dadkaygaan bari laa. Qabiilkaan aasi laa, waan walaalayn lahaa.

Wasiirkii aniga ii diiday shaqada haddii aan ahaan laa, waan ka fiirsan lahaa. Qabyaaladda aan inaadeerkay booska aan ku siiyaan iska joojin lahaa.

Yarkii shaqaalaha qorayey hay’addii kalena haddii aan ahaan laa, Rabbigaan ka baqi laa.

Aabbihii i dhalay haddii aan ahaan laa, dhashaan joojin lahaa. Qabiilkaygoon wacnayn amma wasiirro lahayn, carruurtaan dhalayaan iska dayni lahaa. Lug-gooyada ubadkayga aan u soo wado baan iska joojin lahaa. Guurka aan ku dhaqaaqaan kaba joogi lahaa. Inta Eebbe xaalka dadkayga sidan uu ka rogaayo ayaan dhowri lahaa.

Hooyaday Milgona haddii aan ahaan laa, odaygan i qabaan, ubad in aan u dhalo, iska diidi lahaa. Naxdin soo socotaan iska moosi lahaa. Ubad aan dhalay baan duni aad u silloon uba diidi lahaa. Waan ka dhaaran lahaa. Werwerkaa tahriibtaan kaba raysan lahaa. Inankaagii curdeed saakuu baxay baan qalbiga ka dhowri lahaa. Waan xinnaysan lahaa.

Haddii aan ogahay in aan dhiman doono dhowaan, tilifoonkaygii wacnaa waan iska haysan lahaa. Waxba maan iibiyeene waan ku haasaawi laa. Lacagtii aan ka helay hooyaan siini lahaa. Noloshii adkaatay waan u samri lahaa. Macallinkagii wacnaa ducaan ”hoo” odhan laa. Aabbihii ila dedaalay, wax wanaagsan i baray, tunkaan saari lahaa. Hooyaday i dhashay illintaan ka tiri laa. Aniga daraadday in ay u ciishooto waan ka dhowri lahaa. In ay i dhashaan wax weyn uga dhigi laa.

Shaqo marka aan waayo, tu kalaan raadin laa. Madaxdan xumaatay waan u ducayni lahaa. Iyaga dartooda halaagga aan u maray iyo naftaa aan halligay, waan iska haysan lahaa. Tahriibkaa aan u baxay waan ka joogi lahaa. Naftaa iga gurmaysa waan u heesi lahaa. Carrabkaa qallalan dhaydii baan dari laa. Calooshaa engegan dherigii hooyaday iyo jeeni bisil baan ”ham” ku siini lahaa. Baruur hooyo ay shiishaan bisinka u qaban laa. Marka uu dufanku qawlalkayga dareero, anigoo xiiqsan baan iska biini lahaa. Gabadh raalli ku ah dalkaygaa gudihiisa jacayl baan u marin laa. Oori suubban iyo afadii gurigaan ka yeelan lahaa. Naqaskaan qaybsan layn oo midba mar aayar neefsan lahaa. Eebbahay ii cadhaysan raalli baan gelin laa. Nolosha maalmo uun weeyee waan iska ciidi lahaa. Tasbiixdaan badin laa. Sidaasay noqon layd. Balse waanay ahayn, si kalaanay ahayn. Si Allay noqotay.

Ismaaciil Cabdilaahi Ubax

London, Uk

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories