Home“Shuruudihii Dawladnimo Mar Hore ayeynu Buuxinay” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

“Shuruudihii Dawladnimo Mar Hore ayeynu Buuxinay” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in hadda la joogo wakhtigii Somaliland ay aqoonsi ka heli lahayd Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay inay Somaliland buuxisay dhammaan Shuruudihii looga baahnaa dawlad, isla markaana ay taariikh fac weyn leedahay, intii aanay la midoobin Somaliyana aqoonsi haysatay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu sheegay in sharci ahaan aanu Aqoonsigu Somaliland kaga maqnayn balse Siyaasad ahaan uu kaga maqan yahay, waxaanu tilmaamay inay hadda Caalamku sidii dawlad la aqoonsan yahay ula macaamilaan, waxaanu ugu horayn Wasiirku hadalkiisi ku bilaabay  “Shuruudihii dawladnimo mar hore ayeynu buuxinay, shuruudaha aqoonsiguna waa shardiyo, waxaana shardiyadaas ka mid ah  inuu Wadanku leeyahay xad sugan, inuu leeyahay dawlad la isku waafaqsan yahay,  inuu leeyahay dal sugan, aqoonsiguna sharci ahaan inagagama maqana ee siyaasad ahaan ayuu inagaga maqan yahay.

Wadanka Somaliland waa Waddan taariikh ku leh caalamka, oo Wadankii guumaysanayey ee Ingiriiska ka qaatay xornimo 1960-kii,Somaliland  iyada oo markaas xor ah oo madax banaan ayaa xamaasadii markaas jirtay awgeed ayey Somaliya la midoowday, balse markiiba wey ka biyo diiday oo aftidii la qaaday 1961-kii, bishii lixaad, aftidadaas Somaliland wey diidanayd isku darsigii iyo midawga ay la midawday Somaliya ,  Sannadkii 1991-kiina weynagii goosanay, oo dawlad madax banaan ayey noqonay, 2001-dii, waa tii haddana afti loo qaaday Dastuurka iyo ka go’a aynu ka go’anay Somalia, waa tii boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%), aynu u codeynay inay madax banaano oo aynu noqono Dawlad iskeed u taagan”.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey Shuruudaha ay Somaliland buuxisay ee ay kaga mid noqon karto Wadamada Caalamka ayaa yidhi “Waxaynu nahay Wadan degan,  oo Dimuqraadiya, oo Madaxweyne la doortay leh, oo Barlaman la doortay leh, oo Golayaal Deegaan oo la doortay leh, oo  Doorashooyin xor iyo xalaal ah laga qabtay, oo Axsaab leh, oo Madaxweynahooda loo soo dhaweeyo sida Madaxweynahayaasha, oo Wadamo ajinabi ahi ay Xafiisyo ku leeyihiin Wadanka,  halka ay Somaliland Wadamo badan ay Xafiisyo ku leedahay, Caalamka la ganacsada, Caalamku la tashado, si gaar ah wax loo siiyo, Sanduuqa Horumarka Somaliland (SDF), leh, waxaas oo shuruudo ah ayey Somaliland buuxisay, oo aanay buuxin wadamo badan oo la ictiraafsan yahay, waxaana la soo gaadhay xilligii la ictiraafi lahaa Somaliland”

Dhanka kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadu Sacad Cali Shire tacsi u diray Ehelkii, Qarabadii, Asxaabtii iyo Umadda reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Marxuum Axmed Xasan Cawke.

Xigasho- Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories