HomeShuruudaha Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Ee Mustaqbalka

Shuruudaha Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Ee Mustaqbalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Shirkii Somalia ku saabsanaa ee dhawaan lagu qabtay magaaalada London, Somalilandna ka mid ahayd dalalka lagu casuumay waxaa ka soo baxay go’aamo. Qodabka 6aad  ee go’aamadaas waxa uu sheegayaa in Somaliland iyo Somalia yeeshaan wada hadal mustaqbalka.

Sida la wada ogyahay Somaliland ma ahayn gobol ka tirsanaa Somalia oo ka go’ay sida Koonfurta Sudan, East Timore, iyo Kosovo ay u ahaanjireen gobollo  ka tirsanaa dalalkooda dabadeedna ka go’ay duruurfo u gaara iyaga awgood. Somaliland iyo Somalia waxay kala ahaayeen laba dal oo kala madaxbanaan dabadeedna labadoodii dawladood si laab-la-kac ah isugu biireen 1dii July, 1960.

Midowgaas deg dega ahaa, cadaaalad-xumo iyo  dhibaato laxaad leh oo naf iyo maalba leh ayaa ka soo gaadhay ummadda Somaliland. Dhiig badan oo loo daadiyay ka dib, waxay ummadda Somaliland la soo noqotay dawladnimadeedii ay hore u qaadatay bishii June 26, 1960 taas oo ay ku dhawaaqday Jamhuuriyadda Sommaliland sannadkii 1991.

Shirkii London waxa uu caddeeyay inaan la isku qasbikarin inay Somaliland iyo Somalia dib-u-midoobaan balse si siman uga wada hadlaan danahooda iyo xidhiidhkooda  mustaqbalka. Wada hadalkasta oo dhexmara laba dawladood ama laba dal waxa uu leeyahay shuruudo adag oo labada dhinacba ku dhaqmaan si markaas loogu guullaysto wada hadalada. Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay shuruudaha hoos ku qoran ku xidhaan wada hadal kasta oo mustaqbalka dhexmara Somaliland iyo Somalia si looga midho-dhaliyo.

Shuruudaha

1. Waa in ay SomalĆ­a ka dhalataa dawlad gacanta ku wada haysa dalka SomalĆ­a oo dhan (Former Italian  Somalia) waayo Somaliland lama hadlayso gobol ka tirsan Somali­a oo aan talada Somali­a ka go,in, wixii ka soo baxana aanu meelmar noqonkarin.

2.  Waa in xukuumadda ama dawladda ka jirta Somali­a ay noqotaa mid matasha dadka Koonfurta oo qudha oo aanay noqon mid fowda ah oo ka kooban 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) sababta oo ah wada hadalku waxa uu dhexmarayaa Somaliland iyo Somali­a oo qudha, ma dhexmarayo Somaliland iyo Somaliweyn.

3. Waa in aanay xukuumadda, baarlamaanka, iyo garsoorka Somali­a ku jirin xubno sheeganaya inay metalaan dalka Somaliland ama gobol ka tirsan Somaliland

4. Waa in xukuumadda Somalia ka jirtaa aanay aqoonsan ama taageerin koox ka soo horjeedda midnimada iyo qaranimada Somaliland.

5. Waa in wada hadalkasta ku salaysnaado jawi laba dawladood oo siman oo u heelan inay u gogol-xaadhaan Is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo oo dhexmara  laba dawladood oo Somaliyeed Waa Billaahi Tawfiiq.

Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: February 1, 2012.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories