HomeShuruudaha Lagu Xidhay Murashaxiinta U Tartamaysaa Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee...

Shuruudaha Lagu Xidhay Murashaxiinta U Tartamaysaa Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankMuddo 100 maalmood ah ka yar ayaa ka hadhsan wakhtiga loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashooyinka muddo dhaafay ee Wakiillada iyo deegaanka, oo la filayo in ay dhacaan 31 bisha May oo maanta 100 maalmood oo keliya innaga xigaan.

Xisbiyada iyo beelaha ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin reerahoodu u gudbiyeen Xisbiyada.

Komishanka Doorashooyinka, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya.

Shuruudahan, komishanku soo bandhigeen, ayaa ah kuwan hoos ku qoran:

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha wakiillada Somaliland

  • Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.
  • Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada
  • Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.
  • Caddayn in aanay dadiisu ka yareyn 35-sano
  • Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan u gudan karo xilkiisa
  • Shahaado dugsi sarre ah
  • Warqada danbi la’aanta
  • Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.
  • Caddayn ah in uu bixiyay 40 millyan oo Somaliland Shilin ah, oo debaaji ah isla markaana aan celis lahayn, laguna bixiyo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda.
  • In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka
  • Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.
  • Murashaxa isku soo sharaxay golaha wakiillada amma golaha degaanka, waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka ee Somaliland

  • Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.
  • Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada.
  • Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.
  • Caddayn in aanay da’diisu ka yareyn 30-sano.
  • Waraaqda danbi la’aanta.
  • Shahaado jaamacadeed, heerka koobaad ee degree, ah musharixiinta degmooyinka Darajada A, murashixiinta derajada B iyo C na caddayn saddex sano ah ayaa looga baahan yahay.
  • Caddayn cashuur bixiye inuu ka yahay degmada uu ka sharaxan yahay
  • Hanti mood ama nool, oo uu ku leeyahay degmada uu ka sharaxan yahay
  • Waa inuu keeno warqad caddaynaysa inuu bixiyay shan iyo toban milyan oo Somaliland shilin ah, Degmooyinka derajada A, 7-milyan, derajada B iyo C 4-milyan.
  • Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.
  • Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan ugudan karo xilkiisa
  • In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka
  • Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashad, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.
  • Murashaxa isku soo sharaxay golaha degaanku amma wakiiladdu waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.

DAAWO FARRIINTA OO MUUQAAL AH

https://youtu.be/bat5gQQOaMA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories