HomeShirweynihii Saddexaad ee Xisbiga UCID oo maanta si rasmi ah Hargeysa uga...

Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga UCID oo maanta si rasmi ah Hargeysa uga furmay iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Crown ee Caasimada Hargaysa kaas oo loogu talo galay inuu socdo mudo laba cisho ah.

blankShirweynaha Xisbiga UCID u furmay waxa ka qayb galay Hoggaanka Xisbiga, ergooyin ka kala socda Gobolada dalka iyo Laamaha Xisbiga Ucid ee dalalka dibada,Madax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Udub,  Qaar ka madaxda Ururada Siyaasada iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee xisbigani soo maray tan iyo intii ka danbaysay markii la aasaasay,waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in fikrada abuurista xisbiga Ucid ay ku dhalatay 22kii bishii labaad ee Sannadkii 1992-kii, isla markaana uu hamigiisu ahaa sidii uu wax uga qaban lahaa sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale, waxaanu xusay in barnaamijka Xisbiga Ucid ay qoritaankiisa bilaabeen sannadkii 1997 isla markaana ay dhameeyeen Sannadkii 2000 , waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray inuu ka xun yahay in labaatan sanno kadib aynaan weli haysan citiraaf.

blankInj.Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu faahfaahiyay mabaa’diida xisbiga Ucid loo aasaasay iyo sida ay wadanka uga saareen hab beeleedkii aynu ku soo dhaqmaynay mudada tobanka sannadood ah iyo qaybtii ay ku lahaayeen u soo digo rogashada nidaamka doorashooyinka xorta ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Wuxuu uu soo jeediyay ururada siyaasada ee haatan abuurmay sidii ay cududooda u midayn lahaayeen isagoo intaas ku daray inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan.

Geesta kale Xoghayaha guud ee Xisbiga Ucid Maxamed Cali Madoobe “Jiir” ayaa goobtaasi ka cadeeyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka isla markaana uu go’aansaday inuu noqdo murashax u tartamaya doorashada Golayaasha deegaanka ee  la filayo inay dalka ka qabsoonto bilaha fooda inagu soo haya .

blankSidoo kale Xoghayaasha  arrimaha gudaha iyo dibada  ee Xisbiga Ucid ayaa iftiimiyay himilooyinka xisbiga ucid hadii  uu ku guulaysto hogaaminta qaranka kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii Somaliland xubin buuxda uga noqon lahayd ururka ay ku bahoobeen  dalalka barwaaqa sooranka, shaqo abuuris loo sameeyo da’ yarta soo kacaysa, kobcinta dhaqaalaha iyo wixii la hal maala .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga Udub Cali Maxamed Warancade, Urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo uu u hadlay Cismaan Xasan Mire, Salaadiin iyo marti sharaf kale oo dhamaantoodba soo dhaweeyay qabsoomida shir weynaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid.

Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in mucaaridka aynu doonaynaa uu yahay mid loogu hiilinayo Muxaafidka isla markaana lagu saxayo markasta oo uu khalad galo isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay sidii bulshadeena loo bari lahaa hannaan dimuquraadiyadeed oo ka madhan Cunfi iyo qabyaalad.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories