HomeShirweynihii Golaha Dhexe oo Kulmiye oo Khilaaf ka dhashay, Guddoomiye kuxigeenkii ...

Shirweynihii Golaha Dhexe oo Kulmiye oo Khilaaf ka dhashay, Guddoomiye kuxigeenkii 2aad ee Xilka laga qaaday oo muujiyey dareenkiisa iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa 15 April, 2012 (SLpost)- Shirweynihii  golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta lagu soo gebo-gabeeyey hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa hadheeyay khilaaf xooggan, ka  badib  markii  maamuus ka xayuubin lagu sameeyay guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.

In kasta oo khilaafkaasi hakad geliyay shirka, laakiin guddida doorashada, ayaa sii waday shaqadooda , waxaana  jagada  laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  iyada oo lagu beddelay Xildhibaan Maxamed Waabeeye oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo goobta lagu doortay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga oo jagadiisu bannaaneyd ilaa wakhtigii Guddoomiyaha Xisbiga loo doortay Muuse Biixi Cabdi, waxaana loo doortay Afhayeenkii Xisbiga Maxamed Kaahin oo xilkaas hayey tan iyo shirweynihii koowaad ee Xisbiga oo qabsoomay sannadkii 2003-dii.

Dhanka kale, waxa aan la soo hadal-qaadin tartanka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo uu hore u hayey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo lagu wareejiyey xilkaas ka dib markii guddoomiyihii xisbigaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku guulaystay talada  dalka.

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo markii lagu dhawaaqay in mansabka guddoomiye kux-geenka iyo xubinnimada Kulmiye lagu dhawaaqay in laga qaaday ayaa madasha buuq ka dhaliyey isaga oo ku tiraabayey hadallo ay ka mid ahaayeen, “Waan inaan ka jawaabaa , maxaa ku diidayaan inaan ka jawaabo Dacwadda ay….? Yaa Arkay Dacwad lagu isku qaado…..” taas oo markii dambe sababtay in loo dalbado ciidamo boolis ah oo xarunta uu shirku ka socday  isku dayey inay Garbo-duub kaga saaraan.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo warbaahinta la hadlay ka dib markii uu dhammaaday Shirka Kulmiye, waxa uu ku hanjabay inaanu kaga hadhaynayn kuna dagaalami doono booskiisa isla markaana uu ha’yadaha deeqda bixiya iyo caalamka gaadhsiin doono dhibaatada uu sheegay in lagula kacay.

“Bulshada caalamka, hay’adaha deeqda bixiya iyo safaaradaha ayaan gaadhsiin doonaa, kagana hadhi maayo oo waan ku dagaalami,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo isagana wax laga weydiiyey tallaabada uu xisbigu xilka kaga qaaday Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay dariiq sharci u mareen xil-ka-qaadir Masuulkan sare ee Kulmiye.

Shirweynahan saddexaad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye oo maanta la soo gebo-gabeeyey waxa kale oo lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga oo loo doortay Xasan Siciid Yuusuf oo muddooyinkii u dambeeyey xilkaas si ku-meel gaadh ah u sii hayey ka dib markii uu sannadkii hore geeriyooday Xoghayihii guud ee Xisbigaas Marxuum Keyse Xasan Cige.

Dhacdadan maanta soo wejehday Shirka Golaha ee Kulmiye oo dad badani ku macneeyeen tallaabada loo maray xil-ka-qaadista mid ka fog cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda, waxaanay u muuqatay mid si weyn u kala qaybisay xubnaha iyo taageerayaasha Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories