HomeShirweyne lagu Gorfeynayo Heshiiska Somaliland vs Itoobiya Iyo Ammaanka Badda Cas oo...

Shirweyne lagu Gorfeynayo Heshiiska Somaliland vs Itoobiya Iyo Ammaanka Badda Cas oo Ka Furmay Addis Ababa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirweyne Caalami ah oo lagu lafo-gurayo Isu-socodka ammaanka Badda Cas iyo muhiimadda uu leeyahay heshiiska is-faham ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.

Shirka oo noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo dardargelin lahaa wadahadallada iyo iskaashiga khuseeya marinka ganacsi ee Badda Cas, waxaana soo qaban-qaabiyey Macadk Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee IFA oo xaruntiisu tahay dalka Ethiopia.

Sida aanu ka soo xigannay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, wejiga labaad ee shirkan oo hal-ku-dheg looga dhigay “Baahida Wada-hadal iyo Iskaashi Laga yeesho isbeddelada Siyaasiga ah ee Caalamka”, waxaana ka qayb-galay khubaro-siyaasadeed oo ka kala socda gobolka Bariga Afrika, Bariga Dhexe iyo sidoo kale dublamaasiyiin caalami ah.

Sida ay qortay ENA, Agaasimaha fulinta ee macadka IFA, Jacfar Bedru oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa sheegay in Badda Cas ay qayb ka tahay taariikhda Itoobiya, isla markaana tahay marin ganacsi oo muhiim u ah gobolka iyo caalamka sidaa awgeed ay danaynayaan inay qayb ka noqdaan ilaalinta amnigeeda maadama ay jiraan xaalad amni-darro oo xilligan ka jira.

Jacfar waxa uu shaaca ka qaaday in Itoobiya baadi-goob ugu jirto wadahadal iyo iskaashi kasta oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar guud oo ka tis-qaada gobolka Badda Cas.

Shirka Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas
Shirka Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas

“Itoobiya waa dalka ugu weyn gobolka Badda Cas, waxtarka aanu ka geysan kartaana aad bay muhiim ugu tahay inaanu mar kale dib ula soo noqono taariikhdaas”, sidaas ayuu yidhi Jacfar oo soo hadal-qaaday heshiiskii Is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Dhanka kale, Agaasimaha fulinta macadka IFA (Institute of Foreign Affairs), waxa uu xaqiijiyay in Itoobiya sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay waddamada ku yaalla Badda Cas iyo hay’adaha la shaqeeya.

Shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wadatashiga Amniga Badda Cas, ayaa qabsoomay sannadkii hore xilligaas oo la dareemay saamaynta dagaalada ka socda Bariga Dhexe ku yeeshay isu-socodka Ganacsi ee Badda Cas oo halbowle u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Dunida.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories