HomeShirweyne lagu Falanqeeyey Xaaladda Caafimaadka ee dalka oo maanta Hargeysa ka furmay

Shirweyne lagu Falanqeeyey Xaaladda Caafimaadka ee dalka oo maanta Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shir lagu lafo-gurayo xaaladda Caafimaad ee Bulshada Somaliland oo ay isugu yimaaddeen Dhakhaatiirta ka hawl-gala Gobolada, Degmooyinka iyo kuwa dibadda ka yimi isla markaana ay Xukuumaddu ka soo qayb-gashay ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

blankShirkan oo ka furmay Hotel Maansoor isla markaana Berri la soo gabo-gabaynayo, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan, Drs Edna Adan Ismaaciil iyo Dhakhaatiirta kala duwan ee Dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulan ay dhakhaatiirta  Somaliland oo intaas le’eg isugu yimaadeen, waxaanu iftiimiyey inay inay jiraan arrimo muujinaya in Caafimaadka dalku sii luminayo hab-dhaqameedkii uu u shaqayn jiray, loona baahan yahay in laga gudbo marxaladaas la marayo.

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil waxa uu sheegay inay xilligan abaaro baahsani ka taagan yihiin Gobolada dalka qaarkood loogana baahan yahay dhakhaatiirta inay gacan caafimaad ka gaystaan dhibaatada jirta oo ay tagaan tuulooyinka iyo deegaanada xeebta Woqooyi ee Somaliland ee ay abaartu ka taagan tahay si ay u caawin la hayeen shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay in marka laga hadlayo Caafimaad aanu micnihiisu ahayn in daawaynta qof xanuunsanaya oo keliya, laakiin ay tahay in la xuso marxaladihii la soo martay xilliyadii iyo dharaarihii kala dambeeyey.

Md. Boobe waxa uu sheegay inay dhakhaatiirtu qiimo iyo qadirin ku leeyihiin bulshada iyo taariikhda, welise ay nasiib darro tahay in dadka qaarkii ay jecel yihiin inay dalka dibadiisa daaweyn u tagaan iyagoo dhaafaya dhakhaatiir aqoon u leh caafimaadka isla markaana yaqaana hiddaha ruuxa ay daweynayaan.

Kulankaas oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhakhaatiirta Somaliland waxa kale ka hadashay Drs Adna Aadan Ismaaciil oo sheegtay in xilliyadii kala dambeeyey Xaaladda Caafimaad ee Somaliland wakhti adag soo martay iyadoo xustay in waqtiyada qaarkood ay labo dhakhtar dusha u ridan jireen xaaladda caafimaad ee Somaliland oo dhan, waxayna sheegtay inay dhakhaatiir badani ka soo baxayaan jaamacadaha kuwaasoo tayadoodu soo kobcayso. Drs Edna waxay dhakhaatiirtii madasha isugu yimi kula dardaarantay inay ka feejignaadaan xaaladda qalliinka ee ay ku samaynayaan qofka u baahan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories