HomeShirweyne Baarlamaannada dalalka Geeska Afrika uga Furmay Jabuuti iyo Nuxurka Qodobbo muhiim...

Shirweyne Baarlamaannada dalalka Geeska Afrika uga Furmay Jabuuti iyo Nuxurka Qodobbo muhiim ah oo laga filayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti, 07 January, 2012 (SLpost)- Shirweyne ay isugu yimaaddeen Ergooyin ka socda Baarlamaannada dalalka Geeska Afrika ee xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

blankShirweynaha oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ugu horeyn furay Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti Iridis Arna’ud Cali  oo sidoo kale ah guddoomiye kuxigeenaka gudiga fulinta Baarlamaanada waddamada Gobolka ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, waxaanu qudbad furutaankii shirka uu ka jeediyay kaga hadlay xaaladda gobolka sida dhaqaalaha hore marka gaar ahaan isaga oo soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo Budhcad badeeda iyo dhibaatooyinka  kooxda Alshabab oo uu xusay inay tahay mid khatar ku ah  gobolka  geeska Afrika.

“Sannad kasta waxa la qabtaa shir oo lagaga hadlaa xagga hore marka iyo waxa bajadka u yaala iyo sida oo kale hore marka la samaynaayo ee dalka iyo Xaaladaha ka taagan Geeska Afrika ayaanu ka hadalnaa oo ilaa iyo isniinta waxaanu ka wadda hadlaynaa dhaqaalaha sidii loo adkaynlahaa iyo sida uu Ururkani uu uga shaqayn lahaa xaaladda geeska Afrika.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamanka Geeska Afrika.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dalka Kiniya Farax Macalin oo hugaaminaaya Wafti ka socday dalkaas ayaa ka hadlay wax qabadkii Guddigan Baarlamaanadan ay hayaan wuxuu sida oo kale soo hadal qaaday qalalaasaha ka jira Baarlamanka Soomaaliya oo uu ku taliyay in la raaco qalibiyada Baarlamaanka iyo xeerarka u tagsan, waxaanu yidhi; ““Haddii Guddoomiyaha la waayo oo ku xigeenka la waayo waa in Baarlamaanku ay hagaajistaan dhibaatada ka dhextaagan oo ay xaliyaan oo adduunka ma jirto Gole Furihisii jeebka la iska gashanaayo.”

 Cabdi Wali Ibraahin Sheekh  nuday oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliya ayaa isaguna ka hadlay shirkaas. “Waxa lagaga hadlayaa arimo badan sida dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo Nabad galyo-lanaata Soomaaliya ka jirta iyo Barakacayaasha oo deeganadoodii ka soo kacay iyo xaaladaha dhibaatada ah ee haysata iyaga iyo siyaasada Guud ee Baarlamaanada IGAD ayaa lagaga hadlayaa.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliaya Cabdiwali Ibraahin.

Guddiga fulinta Baarlamanadan waddammada Gobolka Geeska Afrika ayaa dalka Jabuuti lagu aas-aasay 2001dii waxayna Sannad walba yeshaan shir, oo kanina waa kii shanaad ee ay yeshaan iyaga oo kaga hadla xaaladaha kataagan geeska Afrika iyo dhaqaalaha.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories