HomeShirweynaha Saddexaad ee Xisbiga UCID oo la soo gabogabeeyey mar saddexaadna Guddoomiye...

Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga UCID oo la soo gabogabeeyey mar saddexaadna Guddoomiye loogu doortay Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirweynihii sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay HuteelkaCrown ee magaalada Hargeysa, waxaana markii sadexaad Guddoomiye loogu doortay Muraxii labada jeer guul daraystay Eng. Faysal Cali Waraabe.

blankWaxa kale oo shirweynahan lagu doortay Guddoomiye Ku xigeenka koowaaad oo loo doortay Axmed Jaamac Hoori oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, halka Guddoomiye Ku xigeenka labaadna loo doortay C/Xakiin Garaad Maxamuud Cali Shire oo ka soo jeeda deegaamadda Sanaag barri, halka C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ay isku raas yihiin Guddoomiyaha UCIDna loo doortay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbigaasi.
Shirweynahan waxa ka qeyb galay 150 xubnood oo Haween iyo dhalinyaro u badan oo ka kala yimid gobolada dalka kuwaasi oo intooda badani ku cusub yihjiin xisbiga UCID.

Gabo-gabadii shirweynaha xisbiga UCID waxa laga soo saaray go’aamo kala duwan oo ay ka mid yihiin baaq ay u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo oo la xidhiidhay inuu qabto shir loogu yeedhay aayo ka tashi qaran.

Sdaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xisbigaasi oo u dhignaa sidan:-

A – GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIRWEYNIHII 3AAD EE XISBIGA UCID
XISBIGA CADDALADA IYO DARYEELKA ( UCID) WUXUU UGU BAAQAYAA

1. In Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Inuu Qabto Shir Wada Tashi Qaran Si Looga Wada Hadlo Loogana Yeesho Siyaasad Midaysan Arimahaa Inagu Soo Fool Leh
2- Inla Adkeeyo Nabad Galyada Iyo Madaxbanaanida Soomaliland
3-In Ay Xukuumadu La Timaado Siyaasadii Dalka Ay Ku Hogaamin Lahayd Isla Markaasna La Mideeyo Hanan Socodka Xukuumada Oo Hadda Is Dhex Yaacsan
4-Inuu Madaxweynuhu Uu Ilaaliyo Distoorka Dalka Iyo Shuruucdiisaba Is La Markaana La Kala Saaro Sharci Dejinta Iyo Xukuumadii Oo Isku Milmay Si Loo Helo Isku Dheeli Tiran Awoodeed (Check And Balance) Sida Distoorka Jamhuuriyada Somaliland Ku Qeexan
5- In Maamulka Soomaliland Lagu Fidiyo Dhamaan Deegaamada Soomaaliland
6-In Qabyaalada Iyo Musuqmaasuqa Baahay Oo Ah Dillaaga Qaranimo In La Joojiyo
7-In Caddaalad Darrada Iyo Eexda Ku Baahday Dalka Lasoo Afjaro
8- Wuxu Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelku (Ucid) Madaxwaynaha Somaliland Ku Boorinayaa Inuu Ku Soo Celiyo Xukuumadiisa Inuu Adkeeyo Ga’oankii Gooni Isu Taaga Shacbiga Somaliland Oo Aad Hadda Moodid Inuu Mugdi Badani Sooo Galay Siyaasaddii Arimaha Dibada Ee Somaliland Shacbigii Saaxiibada Somalilandba Uu Shaki Wayni Soo Kala Galay
B- WAXA KALE OO UU SHIRKU ISKU RAACAY GO’AAMIYAYNA UNA CODEEYAYNA IN LAKALA SAARO JAGADA GUDOOMIYAHA XISBIGA IYO JAGADA MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO HORE U MIDAYSNAAN JIRAY
1-Waxa Kale Oo Uu Shirku Isku Raacay Una Codeeyay Awoodna U Siiyay Hogaanka Sare Ee Xisbiga In La Baneeyo Jagooyinka Gudoomiye Xigeenka 3aad,4aad,Iyo Jagada Xoghayah Guud Iyo 50 Xubnood Oo Golaha Dhexe Ah
2- Waxa Kale Oo Uu Shirweynuhu Isku Raacay In Tiradii Jagooyinka Ku-Xigeenada Gudoomiyaha Laga Dhigo 4 Xubnood Halkii Ay Hore Uga Ahaan Jirtay 3 Xunood
3-Waxa Kale Ioo Laysku Raacay In Gudida Fulintana Laga Dhigo 45 Xubnood Halkay 33 Xubnood Ka Ahaan Jiratay
4- Golaha Dhexana Laga Dhigo 181 Halkuu Ka Ahaa 151 Xubnood
C- WAXA SHIRWEYNAHA LAGU DOORTAY LAGUNA ANSIXIYAY JAGOOYINKAN SOO SOCDA:-
Guudoomiyah Xisbiga Ucid
Eng Faysal Cali Waraabe
Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Ucid
Md Aadan Jaamac Hoori
Gudoomiye Ku-Xigeenka 2aad Ee Xisbiga Ucid
Md. Cabdixakiim Garaad-Maxamuud Cali Shire
Gudoomiye Ku-Xigeenka 3aad
Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid
Md Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

D- SHIR GUDOONKA MADASHA SHIRWAYNAHA 3AAD
Maxamed Xasan Khayre
Maxamuud Cali Jiir
C/Naasir Yuusuf Qodax.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories