HomeShirweynaha Beesha Sacad Muuse oo si Rasmi ah uga Furmay Degaanka Agabar...

Shirweynaha Beesha Sacad Muuse oo si Rasmi ah uga Furmay Degaanka Agabar iyo Qodobada Ajandaha u ah (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hoodaale_Agabbar (6)AGABAR (SLpost)- Shirweynaha HOODAALE ee beesha degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada caasimadda Somaliland ee Hargeysa (Sacad Muuse), ayaa si rasmi ah maanta uga furmay degmada Agabar ee Gobolka Gabilay kadib markii dhawaan laga heshiiyey khilaafyo dhawr jeer dib-u-dhac ku sababay.

Shirweynahan oo ka dhacaya goob ballaadhan oo ka kooban ilaa 500 miter isku wareeg ah oo ka kooban hoolka shirka, meelo loogu talogalay in lagu cunteeyo, kuwo fadhiyada xilliyada nasashada ergooyinka loogu talogalay, qaar la seexdo, musqulo iyo goobo maydhasho, kuwaas oo loo kala habeeyey qaabab casri ah, waxa ka qaybgalaya ergooyin tiradooda lagu sheegay 700 qof oo kala matalaya beelaha Sacad Muuse, kuwaas saddex maalmood oo uu socon doono ku falanqayn doona ajande madasha lagu soo bandhigay.

Hoodaale_Agabbar (6)Shirweynaha oo uu furay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi, waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay guddiga shirka hagaysa, salaadiinta beesha, guddiyo mus-dambeed u ahaa qabashada shirweynaha, cuqaal iyo ergooyinka ka qaybgalaya.

Hoodaale_Agabbar (1)Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin oo degaankiisa shirku ka dhacayo iyo Suldaan Jaamac Cismaan, ayaa hadallo soo dhawayn iyo duco ah ka jeediyey furitaankii shirka, iyagoo sheegay in shirkan oo ay si buuxda ugu midaysan yihiin beelaha oo dhami uu taariikh cusub u unkayo beeshooda, isla markaana meesha ka saaray xantii ahayd in aanay shiri karin. Waxaanay ergooyinka iyo shirguddoonka shirka hagayaba ugu baaqeen in natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo.

Hoodaale_Agabbar (7)Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi oo shirweynaha ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku furay, ayaa sheegay in ay maalin wayn u tahay beeshiisa oo ay uga wayn yihiin oo keliya maalmaha Ciidaha diinta Islaamka iyo maalinta Qaranimada Somaliland, waxaannu mahadceli ballaadhan u jeediyey Alle (SC), cid kasta oo door muhiim ah ka soo qaad oo ay ugu horreeyaan guddi ganacsto reerka ka tirsan oo isku xilqaamay xallinta khilaafkii hore.

Hoodaale_Agabbar“Aniga oo ku hadlaaya magaca saldannada guud ee faca wayn leh ee karaamadiina xambaarsan ee beelwaynta degta inta u dhaxaysa Bisiqa ilaa Banka Qaydar ama Xarshin ilaa Xeeb ama Subulaha ilaa Saaxil, haddii aan si kale u dhigana degan mandaqada saddexda waddan ee ugu qiimaha badan Geeska Afrika oo kala ah Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaan halkan uga soo kacay doorka ugu muhiimsan ee dhaqan ee aad iga sugayseen, waafaqsana sooyaalka taariikhda saldannada guud iyo sida dhaqanku yahay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 23/09/2013, waafaqsana 18-ka bisha Dulqacida ee sannadka 1434 si rasmi ah ayuu shirku inoogu furan yahay, waxaanan ku furayaa maskax iyo qalbi furan, farxad iyo Qur’aanka Cadadkiisa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Hoodaale_Agabbar (2)Waxa kale oo Suldaanku kula dardaarmay beeshiisa inay xoojiyaan midnimada, wax-istarka, is-ogaanshaha dhexooda, horumarinta dad iyo duunyaba, ilaalinta qaranimada dalkooda iyo xoojinta walaalnimada beelaha kale ee ay derisyada yihiin ama wada nool yihiin.

Hoodaale_Agabbar (5)Guddoomiyaha Shirguddoonka shirweynaha Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in shirkani ku salaysan yahay in beeshu ka tashado wixii if iyo aakhiraba u dan ah, taas oo aan cidna lagu cabudhinayn, isla markaana aan cidna xaq ay leeyihiin lagu duudsiyeyn, xaq beeshu leedanahay ay ku raadsanayso.

Hoodaale_Agabbar (3)Sheekh Almis waxa uu halkaasi ku soo bandhigay qodobada uu ka koobnaan doono ajandaha shirweynaha beesha Sacad Muuse, kaas oo ka kooban shan qodob oo kala ah; warbixinno, soo jeedimo iyo fikrado is dhaafsi ergooyinku xaaladaha dad iyo duunyaba ee degaannada ay ka kala yimaadeen, adkaynta midnimada iyo wadajirka beesha, adkaynta iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga beesha, xoojinta ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban iyo daryeelka iyo horumarinta degaannada beesha.

Hoodaale_Agabbar (4)Waxa kaloo furitaankii shirka beesha ka hadlay salaadiinta kala ah Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan, Suldaan Axmed Nuur Samaale iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka shirguddoonka shirka Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoorre, kuwaas oo dhammaantood farxad ku tilmaamay qabsoomida shirka beeshooda, una mahadceliyey Ilaahay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.

SOMALILANPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories