HomeShirweynaha 6aad ee Dalladda SONSAF oo Hoggaan Cusub lagu doortay iyo Nuxurka...

Shirweynaha 6aad ee Dalladda SONSAF oo Hoggaan Cusub lagu doortay iyo Nuxurka Hadalladii laga jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Shirweynihii Lixaad ee Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF (Somaliland Non-State Actors Forum), ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo hawlaha Dalladda maamuli doona saddexda sanno ee soo socda.

Shirweynaha oo maanta ka furmay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madaxda axsaabta siyaasadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Komishanka Doorashadooyinka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, saraakiil ka socotay hay’adaha Caalamiga ah, ergooyin ka socday jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ku midoobay dallada iyo marti-sharaf kale.

blankShirweynaha lixaad ee Dalladda SONSAF oo la soo gebo-gabeeyey gelinkii dambe ee isla maanta, waxa ay ergooyinku halkaas ku doorteen hoggaanka sare Dalladda SONSAF oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye iyo Guddiga Fulinta oo marka laysku daro ka kooban 17 xubnood.

blankGuddoomiyaha Daladda SONSAF waxa markale loo doortay Anwar Cabdilaahi Warsame oo saddexdii sanno ee u dambeeyey soo hayey hoggaanka dalka, halka guddoomiye ku-xigeenka dalladda loo doortay Aamiina Faarax Caarshe oo xilkaas hore loo qabatay. Xoghayaha Guud ee Guddiga waxa loo doortay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, halka Qasnajiga Guddiga loo doortay Mustafe Cabdilaahi.

Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarkii dalladu soo martay iyo wax-qabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay bishii May ee sannadkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in meelaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay ugu horreeyaan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu sheegay in dunidu ku majeeratay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Calioo isaguna hadal ka jeediyey shirka, ayaa SONSAF uga mahadnaqay kaalinta ay ka geysteen doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo qaybo ka mid ah dhaqaalihii beesha caalamku ku caawisay Somaliland la soo mariyey dalladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu xusay faa’idada ay leedahay iyo baahida loo qabo in dalka ay ka hirgalaan ururrada Bulshada Rayidka ah, balse waxa uu xusay in caqabadda ugu weyn ee taas hor-taagani tahay dhaqaale-la’aan jirta awgeed. Haseyeeshee, waxa uu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland ka mid tahay waddamada ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah

blank“Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah.”

Waxa kale oo Shirka hadallo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Qorsheynta Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Masuuliyiin ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay SONSAF iyo hoggaankeeda doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Dalladda SONSAF oo metesha dhammaan qaybaha kala duwan sida madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka, Xirfadlayaasha sida Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, waxa la aasaasay sannadkii 2008-dii, waxaana xilka guddoomiyaha hore u soo qabtay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo soo noqday guddoomiyihii u horreeyey ee Dalladda SONSAF iyo Mustafe Sacad Dhimbiil oo xilka banneeyey sannadkii 2018-kii kaddib markii uu laba jeer oo hore soo qabtay guddoomiyaha dalladda SONSAF.

Guddoomiyaha maanta markii labaad la doortay,Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa hore xilka u soo hayey saddexdii sanno ee u dambeeyey kaddib markii shirweynihii 5aad ee Dalladda oo qabsoomay 12-kii July, 2018-kii loogu doortay Guddoomiyaha SONSAF.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories