HomeShirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo la soo gebo-gabeeyey iyo Tirada Xubnaha...

Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo la soo gebo-gabeeyey iyo Tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo 4-tii bishan ka furmay magaalada Hargeysa.

blankShirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo bahweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.

blankMudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu inay qiimo yeelato.”

blankGuddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, siina laban laabaan xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

blankMadaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay deegaanka Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories