HomeShirweynaha 4aad ee Kulmiye oo lagu doortay Hoggaanka Sare ee Xisbiga (SAWIRRO)

Shirweynaha 4aad ee Kulmiye oo lagu doortay Hoggaanka Sare ee Xisbiga (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)-Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.

Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo, waxa kale oo ay ergadu cod meesha kaga saareen xeerkii dhigayey in badhaabbada gobolladu si toos ah usoo galaan golaha dhexe ee xisbiga.

Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, halka guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi Dheere. iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane Xuseen Aadan –cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale loo cumaamaday guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida ay ku doorteen, waxana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, islamarkaana ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.”

Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku dhaafsado, islamarkaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa xisbiga kala maqnaan doonin.

“Waxaan doonayaa in aan caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE labadiiba waan isu taagay, waana la ii doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii Alle caafimaad innagu gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirim in aan xisbiga ka mid noqon doono.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories