HomeShirweynaha 3aad ee Kulan-diimeedka Culimada Ansaaru Sunnah oo Hargeysa ka Furmay

Shirweynaha 3aad ee Kulan-diimeedka Culimada Ansaaru Sunnah oo Hargeysa ka Furmay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

blankHargeysa (SLpost)- Kulan-diimeedka 3aad ee Culimada Ansaaru Sunnah, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulanka oo Hal-ku-dhiggiisu yahay DIINTU WAA NASTEEDO, ayaa kulmiyey culimada Soomaaliyeed qaarkood oo isaga kala yimi daafaha dunida, waxaanu socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Culimada waaweyn ee magaca ku leh Soomaaliyda iyo caalamka ee kulanka ka qayb-galaya waxa ka mid ah Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Siciid Raage, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Xuseen Cali Jabuuti, Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame iyo culimo kale oo tiro badan.

Culimada ka qayb-galaysa kulan-diimeedka, ayaa isaga kala yimi Waddamada Maraykanka, Canada, Yurub, Bariga Dhexe, Kenya, Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Jabuuti iyo Meelo kale.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa ka qayb-galay furitaanka kulan-diimeedka Ansaaru Sunnah.

Kulanka oo markii u horeysay ku qabsoomay Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, waxa qabsoomiddiisa iyo marti-gelintiisa si weyn uga shaqeeyey culimo uu ka mid yahay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo culimada Ansaaru Sunnah ee Somaliland.

blankKulan-diimeedkan ayaa muddada uu socdo lagaga hadli doonaa arrimaha diinta Islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dacwadda Diinta ee Dhulka Soomaalida, sida ku xusan ajandaha kulan-diimeedka Ansaaru Sunnah.

Ansaaru Sunnah ayaa leh hay’ad lagu magacaabo Ansaaru Sunnah Trust oo taageera waxbarashada diiniga ah, ayaa xaruntooda ugu weyni ku taallaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories