HomeShirweyihii 3aad ee Golaha Dhexe ee KULMIYE oo maanta Furmay, Nuxurka Khudbado...

Shirweyihii 3aad ee Golaha Dhexe ee KULMIYE oo maanta Furmay, Nuxurka Khudbado dhinacyo badan oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi ka jeediyeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)-n Shirweynahii  Kalfadhiga Sadexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa maanta ka furmay Hotel maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Shirweynahan waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed Maxamud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenkaJSL Mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil Seylici, Gudoomiye ku xigeenkakoowaad iyo ka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha XisbigaKulmiye Muuse Biixi cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil cali, intabadan xubnaha Golaha wasiirada ee xukuumadda, xubnaha Hogaanka xisbiga Kulmiye,ururada haweenka, Madax dhaqameed, ergooyinkii gobolada iyo degmooyinka eeXisbiga kumiye iyo marti sharaf kale.

blankUgu horayn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo u mahadnaqay madaxweynahaiyo madaxweyne ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo qayb galayshirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxuuna ilaahay uga mahadnaqay sida ay Somalilandu tashatay ilaa ay maanta marayso inay samaysatay Xisbiyo iyo ururo aymuwaadiniintu ugu tartamaan Siyaasadda iyo talada.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku dheeraadayfaa’iidada ku jirta xisbinimada iyo faa’iidooyinka ay u leedahay bulshada oo ayka mid tahay inay shacabku kaga baxaan kala qoqobka isla markaana ay horumar kusamaystaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu iftiimiyey sidii iyo waqtigii la aasaasay xisbigan talada haya eekulmiye oo uu ku sheegay in koox aqoonyahano ah ay aasaaseen xisbigan bishii May2002 , aqoonyahanadaas oo uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maantana kala soo qaybgalay shirweynaha ayuu yidhiMudane Muuse Biixi.

Gudoomiyuhu  waxa uu sheegay in doorashooyinkii madaxweynanimo ee u dambeeyey uu xisbiga Kulmiye ahaa xisbiga keliya ee dadweynaha soo hor dhigay barnaamij cad oo dadku ku wada qanceen kunaaamineen, kalfadhigan maanta uu xisbigu u fadhiyana lagu falanqayn doonowaxyaabaha ka qabsoomay barnaamijkiisii iyo waxa weli  qabyo ka ah.

Gudoomiyahu waxuu sheegay in qiimaynta xukuumad lagu sameeyo ay ugu horayso sida ay wax uga qabato dhinaca dhaqaalaha, waxaanamarkhaati laga yahay in xukuumadda xisbiga kulmiye ee maanta xafiiska joogtaaay muddo 22 bilood gudahood ah kobcisay dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka 90%.Taasoo macnaheedu yahay buu yidhi gudoomiyahu in ay balanqaadadii kalena lamacno noqonayaan taa maaliyadda, gebagebada qiimayntuna noqonayso in xukuumaddaXisbiga Kulmiye ay 22 bilood ku fulisay 40% barnaamijkii uu xisbigu ololaha kugalay.

Intaa ka dibna waxaa hadalka lagu soodhoweeyey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo khudbad dheer ka jeediyay Shirweynihii Kalfadhiga Sadexaad ee Golaha dhexe ayaa si faahfaahsan uga waramay waxqabadyadii kala duwanaa ee Xukuumada uu hogaaminayo oo ka dhalatay Xisbiga Kulmiye

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu horayn ka hadlayAqoonsi Raadinta Qaranimada Somaliland iyo Siyaasada ArimahaDebeda Waxaanu xusay inay xil iska saareen xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka hadlay kaalinta ay Somaliland ka qaadatay shirkii caalamiga ahaa eek a dhacay 23kii bishii Feberwery magaalada London isagoo sheegay inay marag-madoon tahay in ay Somaliland guul balaadhan ka soo hoysay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa ayuu yidhi dhacdo taariikhi ah, waxaa kale oo Madaxweynuhu xusay in shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan, isla markaana ay tahay ayuu yidhi madashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray inuu magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah ayuu yidhi sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu cadeeyay inay u  qorshaysan tahay inuu soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” waxa uu khudbadiisa kaga hadlay xaalada dhaqaale ee wadanka waxaanu faahfaahiyay in Dhaqaaluhu yahay laf dhabarta nolosha, iyo tubta lagu gaadhayo  horumrka, isla markaana Xukuumada uu hogaaminayaa oo ka duulaysa ballantii xisbiga kulmiye xiligii ololaha doorashada lagu jiray ay masuuliyada iska  saareen umadii xilka u igmatay, isla markaana ay dardar geliyeen  kobcintii dhaqaalaha waxa uu Madaxweynuhu tusaale u soo qaatay inay Markii ay xilka la wareegeen gaar ahaan sanadkii 2010 ay miisaaniyada qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, halka ay sanadkii 2011 gaadhsiinay $86,000,000 US Dollar, isla markaana ay odoroska miisaaniyada ee Sannadkan gaadhsiiyeen $110,000,000 US Dollar.

Waxaa uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay gobolada bariga ka badaleen lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray, taasoo wax weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu khudbadiisan oo aad u dheerayd kana koobnayd sideed bog uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarinta Dimuquraadiyada,Arimaha Bulshada, Cadaalada iyo Garsoorka, Amaanka Qaranka, Warbaahinta oo uu si gaar ah isu dul taagay in TV-ga Qaranku uu gaadhay daafaha dunida,Dhawaana ay imanayso oo Hawada geli doonta Idaacad weyn oo uu Qaranku leeyahay taas oo Dalka oo dhan gaadhi doonta ama laga dhegaysan-doono, waxaa kale oo madaxweynuhu khudbadiisa kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin Haweenka, 9. Sama-falka iyo Mucaawinooyinka, Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories