HomeShirwaynihii Urur Siyaasadeedka UDHIS Oo Lagu Doortay Hoggaanka Ururkaas, Saamiyo Mug ...

Shirwaynihii Urur Siyaasadeedka UDHIS Oo Lagu Doortay Hoggaanka Ururkaas, Saamiyo Mug Lehna Golaha Dhexe Laga Siiyey Dhalinyarada Iyo Haweenka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)  – Shirwaynihii 1-aad ee urur siyaasadeedka UDHIS oo mudo Laba maalmood ah ka socday Crown Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey, isla markaana lagu doortay hogaanka, waxaana sidoo kale Madashaas lagu ansixiyey xubnaha golaha dhexe ee urur siyaasadeedka UDHIS.

blankShirweynahan ayaa sidoo kale lagu cayimay Saamiga ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeelan doonaan Ururka oo ay u codeeyeen ergadii kala duwanayd ee Shirweynaha fadhiday, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Somaliland.
blankErgooyinkii shirka fadhiyey ayaa Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS u doorteen Ibraahin C/Laahi Xuseen (Dhagaweyne), halka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad loo doortay Ibraahim Aadan Gadiid, waxaana Guddoomiye ku xigeenka 2-aad-na loo doortay Md. Qoorseef, iyada oo Xoghayaha Guud ee Ururkaasina loo doortay Siciid X. Axmed.
blankGuddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS oo markii la doortaday ka dib halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey xilka ay doorteen ergadu, isaga oo balan qaaday in uu u hawl gali doono sidii ajandaha ururka u hir gelin lahaayeen, waxaana hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa oo uu yidhi “Aadbaanu idiinka mahad celinaynaa sida aad masuuliyada noo saarteen, waxaananu balan qaadaynaa in aanu hir gelin doono ajandaha Ururka, kuna dedaali doono sidii Ururka loo horumarin lahaa ilaa inta uu Xisbi ka noqonayo”.

Shirweynaha Ururka UDHIS oo labadii maalmood ee la soo dhaafay si habsami leh uga socday hotel Crown, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey in la kala saaro Guddoomiyaha Ururka iyo Musharaxa ururka taas oo cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen Ergooyinkii ka soo qaybgalay shirkaasi. Waxa kale oo ergooyinkii ka soo qayb galay ay gacan taag ku ansixiyeen in saamiga ay haweenku ururkaasi ku yeelanayaan uu noqdo 30%, halka saamiga dhalinyaradu ku yeelanayso Ururkaasi uu noqon doono 30%, waxaanay Guddida hogaanka shirweynuhu sheegeen in Saamiga ay yeelanayaan dadka Naafada ah iyo Beelaha laga tirada badan yahay ay dib ka qeexi doonaan saamiga ay yeelanayaan Hogaanka Ururku.
Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa tiradooda laga dhigay in ay noqon doonto 42- xubnood.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories