HomeShirqoolka Haweenka Iyo Shirqoolka Ragga.

Shirqoolka Haweenka Iyo Shirqoolka Ragga.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Shiikh Caa’id Al-qarni oo ah Shiikha Sacuudiya oo qoray Buuga caanka ka ah dunida Islamka ee lagu magacaabo “Ha Murugoon“(لا تحزن ) ayaa wuxuu yidhi habeen iyada oo xaaskaygu hurudo ayaan jaleecay waxaan ka fekeray qaabka nolosheeda iyadoo huruda , waxaan idhi miskiinadani markay ku soo noolaatay gurigii labadeeda waalid muddo dheer ,ee ehelkeedu ku noolaayeen ayey ka timi si ay ula noolaato nin aanay hore u aqoon , waxayna iskaga timi gurigii labadeeda waalid ee lagu koolkoolin jiray, gurigii ay iyadu amiiradda ka ahayd , waxayna u soo wareegtay guri iyada la amrayo ayna fulinayso wixii sharcigu amrayey , ninkeeda u hogaansan tahay, ilaahayna ku raali galinayso daacadda ninkeeda, wuxuu yidhi Shiikh Caa’id Al-qarni waxaan naftayda weydiiyey:

Sidee u dhayal-sadaan ragga qaarkii in ay xaaskooda u gacan qaadaan oo dhaawacyo xun xun ugu gaystaan, markay go’aansatay in ay gurigoodii ka timaado si ay ula noolaato, sidee u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay muddo dheer ka maqnaadaan gurigooda iyagoo saxiibadood wakhti badan la qaadanaya intay caruurtooda iyo xaaskooda la joogaana ay yar tahay, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda xabsi guri ugu jirto oo aanay marmarka qaarkood u saarin bannaanka oo aanay wakhti wanaagsan u wada qaadan.

Wuxuu Shiikhu isa sii weydiiyey sidee ragga qaarkii ay u dhayal sadaan in ay seexato xaaskiisu iyada oo laabteeda ay ka buuxdo ciil iyo murugo ay u qabto ninkeeda dhibaatada uu u gaysto awgeed, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda iyo ubadkooda intay ka safraan oo muddo dheer ka maqnaadaan iyaga oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda iyo waxay ku sugan yihiin oo aan dib u soo jaleecin xidhiidhna ula soo samayn, sidee ragga qaarkii uga xuubsiibtaan mas’uuliyadii saarnayd ee la weydiinayo maalinta su’aasha, sida uu inoo sheegay nabigeenu NNKH.

Ragga iyo dibin daabyadooda iyo Shirqoolkooda wuxuu Shiikhu ka yidhi arrin cajiib ah oo dadka in yari ay dareento ama fahan san tahayba, wuxuu yidhi, ma ogtahay in lagu celceliyo {إن كيدكن عظيم} wali mays weydiisay sababta shirqoolka haweenka ,maxay haweenaydii boqorka iyo saaxiibadaheed u shirqooleen Nabi Yuusuf cs? , saw ma ahayn jacayl , qurux , dabeecad wanaagsanaan, iyo xishood, miyaanay ahayn haween caashaq dardaray?. Taas macnaheedu dumarka shirqoolkoodu waa siday nin ay jeclaadeen u hanan lahaayeen.

Hasa yeeshee maxay ahayd sababtay Nabi Yuusuf walaaladii oo rag ahi u Shirqooleen?.{يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فَــيَكيدوا لك كيدا }, mase ogtahay in shirqoolka ragga laga hor xusay shirqoolka haweenka , mase ogtahay shirqoolka raggu in aanu ahayn mid caashaq ee uu ahaa mid qudh gooyo, xaasidnnimo iyo dulmi.

Mase ogtahay shirqoolka haweenka in uu sheegay Boqorkii qabay haweenaydii wax jeclaatay, mase ogtahay shirqoolka ragga in uu sheegay Nabi Yacquub cs, taasina ay kuu tilmaamayso shirqoolka raggu khatarta uu lee yahay.

Asad Cadaani Ibraahim
Aadancadde28@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories