HomeShirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo maanta ka furmay Chevening House

Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo maanta ka furmay Chevening House

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)-Shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ay marti-gelisay dawladda Ingiriisku ayaa maanta ka furmay Chevening House oo ku yaala duleedka Magaaladda London.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa la sheegay inay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha dibadda Britain William Hugue iyo dublamaasiyiin ka socda dalalka reer galbeedka iyo daneeyeyaasha mandaqadda Geeska Afrika.

Waxa shirkan ka qeyb galaya toban xubnood oo ka kala socday Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee  Somalia.

blankErgadda Somaliland waxa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad.

Dhinaca Somalia waxa u matelaya wada hadaladan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Cabdisalam Macalin Maxamed Mohamed, Wasiirka waxbarashadda Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Cabdi Xuseen Guul-wade iyo laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo kala ah Xuseen Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan.

blankWeftiga Somaliland waxay shirka la tagayaan qaraar cad oo ka turjumaya maslaxadda madax-banaanidda Somaliland, iyagoo xalayba u gudbiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Britain, kaasi oo ay ugu bal-balaadhiyeen rajada ay ka qabaan midho ka soo baxa shirkan iyo mowqifkooda ku wajahan gooni isu taaga iyo madax-banaanidda Somaliland oo ay tilmaameen inaanay wax gor-gortan ah ka galayn.

Illaa imika ma jiro war ka soo baxay dawladda Britain iyo labada dhinac ee wada hadalku u furmay ee Somaliland iyo Somalia.

blankShirkani wuxuu ka dhashay go’aamadii ka soo baxay shirweynihii dawladda Ingiriisku u qabatay xasilinta Somalia bishii Feberwari ee sanadkan oo qodobaddii laga soo saaray ay ku jirtay inay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.

Maalinta beri ah ayaa lagu wada in War murtiyeed dhamaystiran laga soo saaro wada hadalkan dhex maray wufuuda ka socota Somaliland iyo Somalia.

SLpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories