HomeShirkii Safiirada Somaliland oo La Soo Gabagabeeyey iyo Qodobo Laga soo Saaray

Shirkii Safiirada Somaliland oo La Soo Gabagabeeyey iyo Qodobo Laga soo Saaray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeisa (SLpost)- Shirkii shantii cisho ee u dambeeyay magaalada Hargeysa uga socday safiirrada Somaliland iyo wasaaradda arrimaha dibada oo ay weheliyaan asxaabta qaranka iyo mudaneyaal wakiillada ah, ayaa la soo gabogabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo saldhig u noqon doona hanaanka citiraaf raadineed ee Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland la yeelanayso beesha caalamka.

 Kulankan ayaa saddexdii cisho ee hore safiirrada iyo madaxda wasaaradda lagu baraarujinayay shaqada diblamaasinimo ee ay qaranka u hayaan, halka labadii cisho ee dambe wasaaradda, safiirrada, xisbiyada qaranka, baarlamaanka, diblamaasiyiin iyo daneeyeyaal kale lafo gurayeen siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire, oo dhawaan xilka wasaaradda loo magacaabay ayaa kulanka gabogabadiisa ka sheegay qodobo ka soo baxay shirkan oo ahaa kii u horeeyay ee ay isugu yimaadaan dhammaan safiirrada Somaliland oo ka kooban 18 iyo madaxda wasaaradda. Waxa uu sheegay in shirka laga soo jeediyay arrimo door ah oo ku saabsan citiraaf raadinta iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida

 “Natiijada shirkeena ka soo bixi doonta shirkeenan waa qodob kala ah: Waa hagid ay ku shaqayn doonaan wakiillada Somaliland ee dibadda Jooga iyo hagid aanu doonayno inaanu u samayno safiirrada Somaliland jooga ee dalalka kale; waxaa ka soo bixi doona siyaasadda arrimaha dibada Somaliland oo qoraal ah; waxa aanu samayn doonaa guddi heer qaran ah oo ka shaqayn doonta citiraafka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo sheegay in qoraal rasmi ah laga soo saari doono natiijada kulanka.

Qodobada shirka wasaaradda arimaha dibada ka soo baxay.

  1. Waxaynu u baahan nahay in saddexdii biloodba mar shirkan oo kale la iskugu yimaado oo lagu gorfeeyo halka ay wax inoo marayaan;
  2. Waxaynu u baahan nahay inaynu had iyo jeer isticmaallo kalmadda ah Jamhuuriyadda Somaliland(Republic of Somaliland) oo aynaan odhan oo kaliya Somaliland;
  3. Waxaynu u baahan nahay sidii aynu dawladda Ingiriiska iyo dawladdaha Africa ugu soo dabaali lahayn inay ila qaataan qaddiyaddeena;
  4. Waxaynu u baahan nahay dawlad, baarlamaan iyo axsaaba inaynu iska kaashanno sidaynu u heli lahayn aqoonsi oo aanu noqon arrin cid gaar ahi leedahay;
  5. Maadaama aqoonsigu yahay arrin aad iyo aad qiimo inoogu leh, waxaynu u baahan nahay inaynu maalgalinno oo samayno sanduuq aqoonsi raadis;
  6. Waxaynu u baahan nahay inaynu xaqiijinno oo hubino in doorashooyin xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacaan maadaama waxaynu iibinaa yihiin dimuqraadiyad, degaansho iyo xasillooni;
  7. Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno kayd ah wax allaale wixii qoraalo laga sameeyay Somaliland;
  8. Waxaynu u baahan nahay inaynu xidhiidh la yeelanno wax allaale wixii hay’addo ah ee inaga caawin kara ama garab inaga siin kara dadaalka aqoon raadinta ee aynu ku jirno;
  9. Waxaynu u baahannahay inaynu xubin ka noqono wadamada aan la citiraafin, oo shirarkooda ka qayb galno.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa bogaadiyay shirkan iyo natiijada ka soo baxday

“Waxaynu u baahannahay si ay isula jaanqaadaan siyaasadda arrimaha dibada iyo ta arrimaha gudaha, in siyaasadda arrimaha gudahana la hagaajiyo, oo laga bilaabo inaynu wixii dhexdeena ah dhammaysanno oo maamulkeena, sharcigeena iyo calankeena la gaadhsiiyo dhulka aynu sheeganayno oo dhan,”ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo kulanadda wasaaradda arimaha dibadu isku qiimaynayso.

“Aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa kulankan iyo natiijadiisa. Waxaanu leenahay citiraafka Somaliland wuxuu ka wada maqan yahay umadda Somaliland. Qof iyo qof ayuu uga maqan yahay, hadduu qurbejoog yahay, hadduu madaxweyne yahay iyo hadduu xisbi qaran yahayba waa arrin inaga wada maqan,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isna wuxuu soo dhaweeyay qodobada shirka ka soo baxay wuxuuna tilmaamay in haddii saddexdii biloodba mar la isku yimaado ay tahay mid muhiim ah

“Sida wasiirku balanqaaday haddii saddexdii biloodba mar la isku yimaado, malaha ambasadorrada dhinaca kharashka awgeed u iman kari maayaane haddii guddideena kale isku timaado waxaan leeyahay ha beenaan.”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Shirkan ayaa maalmihii ugu dambeeyay lagaga lagu qiimaynayay siyaasadda arimaha dibada iyo xidhiidhka wadamada caalamka Somaliland la leedahay.

https://www.youtube.com/watch?v=M1PjWGMum8I

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories