HomeShirkii Istanbuul oo la soo gabagabeeyay kuna baaqay in Somaliland iyo TFG...

Shirkii Istanbuul oo la soo gabagabeeyay kuna baaqay in Somaliland iyo TFG du ka wada hadlaan qaddiyadahooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Shirwaynihii ay dawladda Turkigu muddada dheer soo diyaarinaysay ee ku saabsanaa Somaliya ayaa maanta lagu gabagabeeyay xarunta shirarka ee dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Istanbul. Shirkan ayaa qaybtiisii hore oo socotay muddo seddex maalmood ah maalintii arbacadii dhammaday waxana ka qaybgalay ururrada rayidka Somaliya iyo odyayasha dhaqanka ee Somaliya iyo masuuyiin kale oo la soctay waxaana si qotto dheer looga hadlyay arrimo la xidhiidha dariiqa nabadda ee Somaliya iyo sidii loo soo dhisi lahaa dawladii soomaliyeed ee badali lahayd maamulka ku meelgaadha ka ee Somaliya. Waxayna isku raaceen in la soo afjaro xilliga ku meelgaadhninmada bisha sideedaad ee sanadkan, cidii ka hortagtana layska qabto.
blankQaybta labaad ee shirka oo oo kale ahayd 31 ka bisha May iyo 1 June ayaa iyaduna maanta la soo dhameeyay. maalintii hore waxaa laga hadlay arrimaha ku saabsan dhaqaalaha iyo mucaawinada. Waxaa shirka lagu soo bandhigay sida caalamku diyaarka ugu yahay inuu bixiyi taageero buuxda oo leh dhaqaale iyo farsamo. Waxaa ka soo baxay in Somaliland la siin doona qayb ka mid ah wixii taageero ah ee dawladda turkigu ama deeeqbixiyayaasha kaleba bixiyaan.
blankGaar ahaan dawladda Turkiga ayaa sheegtay in xafiis lagu maamulo deeqaha ay tooska u siinayso Somaliland magaalada Hageisa ay ka furan doonaan. Xafiiskaasi oo sidoo kale qaban doona arrimo la xidhiidha siyaasadda iyo fiisooyinka marka ku haboonaato. Waxaa kaloo ay sheegeen is uu Somaliland dhawaan booqasho ku iman doona raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, taasi oo la filayo inay kor u sii qaadi doonta wadashaqaynta labada dal iyo taakulaynta Turkiga ee Somaliland.
Dhinaca kale shirkii maanta oo 1 June ahayd ka dhacay madasha shirka ayaa wuxuu ahaa shir caalami oo faa’iidooyin kale u keenay Somaliland. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 57 dal oo ka tirsan beesha caalamku ayaa  Somaliland lagu marti qaaday inay iyadoo ku hadlaysa magaca Somaliland shirka uga soo qaybgasho sida wadamada kale. Waxaana la siiyo barotool buuxa oo tixgalinaya dawladnimda Somaliland. Shirkan oo markii hore la moodayay inuu yahay shir Somaliya dawlad loogu dhisayo oo Road mapka lagu lafo gurayo ayaa noqday shir caalami oo dawlad waliba hadalkeeda ka dhiibanayso. Waxayna Somaliland heshay fursad ay kala hadasho shirwaynayaha qaddiyada siyaasadeed ee Somaliland.
blankHadal dheer oo uu shirka ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland aya nuxurkiisu ahaa in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku soo dhawayn lahayd madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, siin lahaydna aqoonsi siyaasadeed. Wuxuu kale ka warbixiyay kaalinta muhiimka ee ay Somaliland kaga jirto horumarka dimuqraadiyadda, nabadgalyada iyo dhaqaalaha gobolka. Wuxuu wasiirku shirka ugu baaqay in Somaliland iyo TFG loo arko laba dal oo si siman uga wada hadli karo danahooda, oo aan arrinta Somaliland lagu dhex khaldin hawlaha heshiisiinta iyo dawlada samaynta Somaliya u socda. Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in dawlada Somaliland taageersan tahay qodobkii lixaad ee shirkii London ee ku baaqay inay lada dhinac yeeshaa kulamo u gaar ah oo danahooda kaga hadlaan, wuxuuna shirkan u soo jeediyay in lagu soo daro qodobka heshiiska shirkan Istanbuul, oo markii denba la qaatay qodobkan, oo aan hore ugu jirin baaqa shirka Istanbuul.
blankWaxayna arrintani keentay in lagu daro heshiiskii ka soo baxay shirka qodob qeexaya in Somaliland iyo TFG lagu taageero sidii ay u yeelanlahaayeen wadahadalo la xidhiidha xidhiidhkooda, arrintan oo tilmaamaysa in shirku u arkay in Somaliland iyoTFG oo somaliya matalaysaa inay yihiin laba maamul oo kala duwan oo ay ahayn wixii la isku odhan jiray Somaliya, mustaqbalkoodana si siman uga wada hadli kara.
Waa markii labaad ee beesha caalamku qirto jiritaanka siyaasadeed eeSomaliland, islamarkaana ay dhammaatay wixii la odhan jiray Somaliya midnimadeedu waa muqadis. Go’aankani wuxuu guul wayn u yahaymadaxbanaanida Somaliland iyo baadi goobka ay ugu jirto aqoonsi siyaasadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories