HomeShirkado Caalami ah oo xukuumadda Somaliland u wakiilatay Xakamaynta dheefaha shacabka ee...

Shirkado Caalami ah oo xukuumadda Somaliland u wakiilatay Xakamaynta dheefaha shacabka ee heshiiska DP World

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Magacyada 3 shirkadood, khibradooda iyo hawlaha loogu wakiishay

Hargeysa (SLpost)- Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga ee shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland dhowaan hordhaciisii ku kala saxeexdeen dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland u wakiilatay shirkado caalami ah u metelayaan diyaarintiisa.

mnbHeshiis maalgashi gaadhaya afar boqol oo milyan dollar oo shirkada DP World ku maalgelinayso casriyeynta dekeda Berbera, lana saxeexatay xukuumada Somaliland bishii June is-afgarad hordhac ah ayaa xogo cusub oo soo baxay sheegayaan in xukuumada Somaliland ugu xilsaaratay shirkado caalamiga ah inaanay heshiisyadaasi noqon kuwo lagu marin-habaabiyo dheefaha shacabka uga soo bixi doona hirgelintiisa.

Shirkadahan oo tiradooda saddex tahay, isla markaana shaqooyin kala duwan ku takhasusay, kana soo qabtay wadammada caalamka kuwa horumaray iyo soo korayaba ayaa la sheegay in  Xukuumadu u qabsatay inay shaqada u fuliyaan, isla markaana khidmada shaqadooda u dhamaystirtay.

Shirkadaha xukuumada Somaliland u wakiilatay inay u metelaan diyaarinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera ee dhexmaray shirkada DP World ayaa xogahu sheegayaan inay ugu horeyso shirkada Simmons & Simmons oo xarunteedu tahay Ingiriiska, kuna takhasustay dhinaca sharciyada, oo u meteli doonta shacabka Somaliland sidii shuruuc tifatiran loogu qori lahaa heshiiska maalgashiga ee u dhexeeya DP World, isla markaana waafaqsan nidaamka heshiisyada caalamka.

Shirkada EY Building a better working world, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa loo xilsaaray inay dhinaca dhaqaalaha heshiiskan dhinacyadu kala helayaan u metesho xukuumada, iyo inaan lagu daciifin saamiga shacabku ka helayaan faa’iidada heshiiskan iyo waxii la xidhiidha.

Shirkada NIRAS oo fadhigeedu yahay dalka Denmark ayaa sidoo kale la sheegayaa in xukuumada Somaliland uga wakiil tahay qaabka loo diyaarinayo heshiiska, maadama ay ku takhasustay ka talobixinta maamulka mashaariicda lagu horumarinayo wadamada caalamka.

Saddexdan shirkadood oo si weyn looga yaqaano caalamka, kuna takhhasusay dhinacyada xukuumada Somaliland u wakiilatay, sida hore iyo xilliganba in badan oo wadamada caalamku ugu wakiisheen, kuna metelaan heshiisyada dhexmaraya dhinacyo kale ayaa xogahu sheegayaan in loo dhamaystiray dhamaan khidmahihii shaqadooda, isla markaana la shaqeeyaan khubaro kaloo Somaliland u dhalatay mid walba.

Gebagebada dhamaystirka heshiiska maalgashi ee u dhexeeya shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland ee casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera oo la saadaalinayaa in qalinka lagu duugo saxeexadiisa horaanta bisha August, isla markaana la bilaabo dhimaha dekeda cusub oo dhererkeedu gaadhayo 400 mitir, oo lagu kordhinayo adeegyada dekeda Berbera, ayaa kaalinta shirkadahan xukuumadu u xilsaaratay la rajaynayaa inay ka soo baxo heshiis shacabka Somaliland ku qancaan.

Soo ifbaxa xogahan tilmaamaya shirkada caalamiga ee xukuumada Somaliland u xilsaaratay inay shacabka Somaliland u soo gooyaan heshiis dhinac walba aan luminayn faa’iidooyinkii laga heli lahaa, ayaa noqonaya mid kalsooni weyn ku sii kordhisa bulshada, oo intooda badan u dhegtaagayaan bilowga maalgashigii ugu badnaa abide e dalkoodu ka helo caalamka, dariiqana u furi doona maalgashiga kheyraadka dalkeenu ceegaaga.

Wariye Maxamuud Walaaleeye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories