HomeShirkadda Xayaysiisyada ee ASAL oo kaalin mug leh ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda...

Shirkadda Xayaysiisyada ee ASAL oo kaalin mug leh ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda shirweynihii WADDANI

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blank

Hargeysa, 09 April, 2012 (Ogaal)– Shirkadda daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL ayaa qayb-libaax ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda astaanta wadareed iyo agaasinka shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI, iyada oo adeegyo xirfadi ku lammaan tahay kaga qaybgalay madashii shirweynaha 1aad ee ururkan.

Maamulaha guud ee Shirkadda daabacaadda ASAL Md. Farxaan Faarax Aadan oo warbaahinta u warramayay ayaa sheegay in shirkaddiisu fidiso adeegga ugu ballaadhan ee daabacaadaha dalka, isla markaasna ay ka qayb-qaadato kor u qaadista muuqaalka hay’adaha ganacsiga, ururrada, laamaha dawladda iyo mashaariicda qof ahaaneed iyo wixii la mid ah.

“Shirkadda daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL, waxay khibrad badan u leedahay hab-sami u agaasinka munaasibadaha kala duwan,” ayuu yidhi Md. Farxaan, isaga oo xusay in ay ururrada kale iyo guud ahaanba cid kasta oo xayaysiis u baahan ay u fidin doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Maamulaha Guud ee ASAL, Md. Farxaan Faarax Aadan waxa uu sheegay in shirkaddoodu tahay shirkad ganacsi, isla markaasna ay dhiirrigelinayaan tallaabo kasta oo wax ka taraysa horumarka iyo geeddi-socodka ummadeed ee reer Somaliland.

“Annagu waxaannu nahay hay’ad ganacsi, haddii aannu sidan quruxda badan ee la wada majeertay ugu adeegnay ururkan (WADDANI)
, macnuhu maaha, inaannu urur siyaasadeed ama siyaasadba ku jirno, cid kasta oo noo timaadda, urur kasta, xisbi kasta, iyo cid kasta oo xayaysiis u baahanba waannu u adeegaynaa oo albaabkayagu waa u furan yahay.” ayuu yidhi maamulaha shirkadda daabacaadda ASAL, waxaanu intaas ku daray, “Laakiin waa inay buuxiyaan shuruudaha ganacsi, kuwa dhaqan, caqiido iyo himilooyinka ummadeed intaba”.

Shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI oo maanta lagu soo gunaanaday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid bilicdiisa iyo hannaankiisa kaleba aad looga shaqeeyay, isla markaasna ay shirkadda ASAL si bilcoon uga shaqaysay iyada oo kaashanaysa adeegyadeeda boodhadhka, stickers-ka, kaadhadhka aqoonsiga, calamada iyo guud ahaanba hababka xayaysiis ee ay ku shaqeeyaan.

SOMALILANPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories