HomeShirkadda WATERSHED Oo Adeegyo Caalami Ah Ku Soo Bandhigtey Carwada Ganacsiga Somaliland

Shirkadda WATERSHED Oo Adeegyo Caalami Ah Ku Soo Bandhigtey Carwada Ganacsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- –Shirkadda Adeegyada Sharciga ee Watershed ayaa si mug leh uga qayb qaadatay Carwada Ganacsiga Somaliland oo maanta ka bilaabantay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

blankGuddoomiyaha shirkadda WATERSHED Garyaqaan Xasan Faarax Muxumed oo saaka warbaahinta ugu warramayay madasha bandhigga carwada Ganacsiga ee Somaliland ayaa sharraxaad ka bixiyay adeegyada ay qabtaan, isaga oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay adeegyada sharcigu u leeyihiin aasaaska iyo hawlaha Ganacsiga.

blank
Guddoomiyaha WATERSHED

Garyaqaan Faarax oo wax laga weydiiyay sida ay uga qayb-galayaan carwo-ganacsiyeedda Somaliland, maadaama ay shirkadaha Ganacsigu carwadan kaga qayb-gelayaan iibka badeecadaha kala duwan ee ay ka ganacsadaan, ayaa sheegay inay iibinayaan Adeegyo Sharci, ““Qolyaha qaarkood waxay soo bandhigayeen badeecado, laakiin annagu waxaannu ka iibinaynaa adeeg sharci,”” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Adeegyada Sharci ee WATERSHED.

Guddoomiyaha WATERSHED, waxa uu sheegay in ay macaamiishooda u fududeyn karaan arrimaha sharci ee kaga xidhma adduunka kale, isla markaasna ay ganacsatada ka caawin karaan guud ahaanba shuruucda saameynta ku leh hawlahooda, ““Shirkadaha waxaannu ka caawin karnaa shuruucda saameynaya hawlahooda, haddii ay tahay shuruucda shaqaalaha, maalgelinta iyo aasaaska intaba,”” ayuu yidhi Garyaqaan Xasan Faarax, isaga oo intaas raaciyay, “”Dadka raba inay ku midoobaan shirkado ganacsi, waxaannu ka caawinnaa wixii ay ku heshiin lahaayeen ee sharci ah.””

blankGaryaqaan Xasan Faarax waxa uu sheegay in shirkaddooda WATERSHED ay tahay shirkadda keli ah ee waddaniga ah ee hawlaha sharciga ka shaqaysa, ““Waxaannu nahay shirkadda keli ah ee waddaniga ah ee hawlahan ka shaqaysa, waxaannu shaqadayada ka bilownay Somaliland, laakiin, maanta waxaannu ka hawlgalnaa Caalamka oo dhan,”” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in ay ka tirsan yihiin ururka Caalamiga ah ee Qareennada Dunida (International Lawyers Network) oo ay ku midoobeen 186 dal oo adduunka ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda WATERSHED ayaa si gaar ah uga dhex muuqatay madasha bandhigga carwo-ganacsiyeedda Somaliland, maadaama ay ahayd shirkadda keli ah ee ka shaqaysa hawlaha sharciga ee ka soo qayb-gashay bandhiggan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories