HomeShirkadda TELESOM oo Soo bandhigtay Adeeg Cusub oo Xal u noqon kara...

Shirkadda TELESOM oo Soo bandhigtay Adeeg Cusub oo Xal u noqon kara Hakadka Waxbarasho ee uu sababay Ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa maanta soo bandhigtay Adeeg cusub loogu magac daray TABSERA, kaasi oo ay goobaha iyo Dugsiyada waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan Casharadda qaab toos ah oo xagga Internetka ah (Online).

blankNidaamkan Waxbarasho ayaa lagu soo bandhigey munaasibad lagu qabtay Xarunta shirkadda Telesom ku leedahay xaafadda Shacabka magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Wasiirrada Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda iyo Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddiga Sare iyo Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, dalladaha iyo maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu hakadka galiyey ka-feejignaanta xanuunka Coronavirus.

blankGuddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka.

“Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday ay hadda iskuulada dibadda ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa sidee bay ardeydeenu waxbarashada u sii wadan karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid.

Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee Tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno ka geysano, insha Allaah”.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera, isagoo ka hadlay faa’iidada uu leeyahay.

blank“Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland.

blank“Arintan aynu maanta iskugu nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku.

Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan waxbarashada Online ah ee TABSERA.

Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku dhaafaan”.

blankBarnaamijka TABSERA ayaa ah tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada iyagoo adeegsanaya macalimiintooda iyo manaahijtooda, iyadoo waliba adeeggan ay si wada jira ah u isticmaalayaan macalinka, ardeyga iyo waalidka.

Sidoo kale Barnaamijkan ayaa leh sabuurad Digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sidoo kale waxaa si toosa u wada xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka, sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadda ee adeeggan Daah-furay maanta.

blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories