HomeShirkadda Super Group of Companies oo Abaal-marinno kala Duwan Ku Maamuustay Shaqaale...

Shirkadda Super Group of Companies oo Abaal-marinno kala Duwan Ku Maamuustay Shaqaale Hufnaan iyo Karti lagu majeertay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Super Group of Companies, ayaa munaasibad ay abaal-marinno ku guddoonsiisay u qabatay Shaqaale-weynaha kala duwan ee ka hawl-gala, iyadoo kuwoodii ugu dedaalka badnaa lagu maamuusay shaqo-wanaag iyo hufnaan ay Muujiyeen sannadkii tagay ee 2019-kii.

Shirkadda Super Group ayaa ka kooban Super Data Technology oo ka mid ah hormoodka shirkadaha iibiya agabka Computerrada iyo Technology-ga oo qaab online ah lagu dalbado iyo Shirkadda Super Furniture oo lagu iibiyo Agabka xafiisyada iyo Guryaha, kuwaas oo xarumahooda ugu waaweyni ku yaalaan magaalada Hargeysa.

blankMunaasibadda abaalmarinta ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Maamul Guud ee Super Group, Shaqaalaha ka hawl-gala Qaybaha shirkaddu ka kooban tahay, marti-sharaf kale iyo Ganacsato qaarkood ka-qayb-galka munaasibadda uga yimi Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Guddoomiyaha Shirkadda Super Group, Cali-Keyse Cumar Axmed oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ee ay maamul ahaan ka leeyihiin munaasibadda ay tahay Dhiirri-gelinta shaqaalaha shirkadda.

“Waxa iigu farxad badan doorkan qaabkii wanaagsanaa ee loo soo xushay Shaqsiyaadka Sannadka oo shaqaale-weynuhu u soo xusheen si caddaalad ah oo daah-furan, taasina waxay ka tarjumaysaa sidaynu isugu kalsoonnahay, waxay muujinaysaa sida niyadda-san ee shaqaale iyo maamulba aynu isugu duubannahay,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Super Group of Companies Cali Keyse Cumar oo ujeeddada loo qabtay munaasibadda Kulmisay shaqaale-weynaha shirkadda.

blankGuddoomiyaha oo hadal dhiirri-gelin ah u jeedinayey shaqaalaha, waxa uu yidhi, “Sannadka 2020 waxa loo baahan yahay in dedaalka la kordhiyo maadaama sannadkii hore dhismeyaal iyo hawlo badan soo galnay, waxaanan dhiirri-gelinayaa in sannadkan 2020 guntida dhiisha layskaga dhigo”.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay qaar ka mid ah Maamulka iyo Shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Shirkadda Super Group of Companies ka kooban tahay, kuwaas oo sheegay in isku-duubnaanta iyo Kalsoonida ka dhaxaysa maamulka iyo shaqaalaha tahay halbeegga ugu weyn ee horumarka shirkaddu ku dhisan yahay.

blankMadaxa Maaliyadda iyo Xiisaabaadka ee Shirkadda Super Group Maxamed Sheekh Yuusuf Sugulle oo Munaasibada ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda shaqaaluhu kaga jiraan horumarka shirkadda, waxaanu yidhi, “Shirkad waliba waxay ku xisaabtantaa waa shaqaalaheeda, iyaga ayaana ka dhigi kara mid horumartay ama mid aan horumarin. Horumarka aynu samaynay guud ahaan iyo gaar ahaanba waa mid shaqaaluhu iska leeyahay. Annagu maamul ahaan waxaanu ognahay oo ka war haynaa kaalinta aad shirkadda ugu jirtaan. Waxaana wax lagu faano ah kartida iyo hufnaanta ay shaqaalaheennu leeyihiin. Waxa kale oo wax lagu faano ah inaynu ku suntannahay oo tusaale fiican inoo tahay daacadnimo iyo xalaal-miirasho laynagu xanto”.

blank

Maamulaha Super Data Technology, Mustafe Xaaji Yuusuf oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahiyey adeegyo muhiim u ah bulshada oo shirkaddu soo kordhisay kuwaas oo ka mid yihiin inay muddo kooban ku keenayaan qalabka macaamiishu u baahdaan ee noociisa aan laga heli karin gudaha dalka.   

“Qorshayaasha aanu hirgelinnay ee sannadkan inoo qabsoomay waxa ka mid ah inaanu samaynay Special Orders ama Dalabaad gaar ah oo aanu u samaynayno dadka la caddiban dalabaadka gaar ah tusaale ahaan haddii baytariga kamaradda ama Jaarjarka Laptopka loo waayo, qofku isagoo taagan ayaa isla markiiba intaanu qiimeynayo muddo yar oo kooban oo laba ama saddex cisho ah ugu keenaa.”

blankCaydaruus Xuseen Yaasiin oo isagu ku hadlayey magaca Shaqaale-weynaha shirkadda, ayaa maamulka shirkadda ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin dhiirri-gelinta shaqaalaha oo uu sheegay inay udub-dhexaad u tahay halbeegyada hoggaamiya u haya horumarka shirkadda, isagoo uga mahad-celiyey tallaabadaas.  

Guddoomiyaha Shirkadda HASI Consulting Cabdiraxmaan Xirsi oo ka mid ahaa marti-sharaftii munaasibadda lagu soo marti-qaaday, ayaa ammaanay siyaasadda maamul ee shikadda oo uu ku sifeeyey mid qaab-dhismeedkeedu ka tilmaaman yahay shirkadaha la mid ah.  

blank“Runtii, wax badan oo aanay shirkaduhu ka fekerin ayay ka fekereen, dhinac kasta oo shirkad laga dhiso hadday tahay maaliyadda, hadday tahay shaqaalaha, hadday tahay isu-socodka alaabta, soo-iibinta iyo sii-iibinta; iyo hadday tahay dhaq-dhaqaaqa iyo macaamilka dadka, runtii dhinac kasta way wanaajiyeen,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xirsi.

blank

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa halkaas abaal-marinno kala duwan oo lagu maamuusay lagu guddoonsiiyey shaqaalaha shirkadda ee kartida iyo hufnaanta muujiyey Sannadkii hore ee 2019-kii, kuwaas oo sida maamulku sheegay ay shaqaalaha laftoodu qayb ka ahaayeen xulashadii lagu aqoonsaday hormooodka shaqaale-weynaha Super Group ee sannadkii 2019-kii.

Shirkadda Super Group, ayaa sannad kasta bilowgiisa sidan oo kale u qabta munaasibad kulmisa shaqaale-weynaha shirkadda, iyadoo abaal-marinno dhiirrigelin ah la guddoonsiiyo hawl-wadeennada kartidooda iyo wax-qabadkooda looga markhaati kaco muddadaas sannadka ah. 

blankblank

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories