HomeShirkadda SOMTEL oo Heshiis la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee GOOGLE

Shirkadda SOMTEL oo Heshiis la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee GOOGLE

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SLpost)-Shirkadda isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel ayaa shalay soo bandhigtay Adeeggan cusub oo loogu wan-qalay Somtel Google Services, waxa ay shirkaddu ku shaacisay shir jaraa’id oo ay shalay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa si wada-jir ah u qabteen Masuuliyiinta Shirka SOMTEL iyo Masuuliyiin ka socda Shirkadda Caalamiga ah ee GOOGLE, halkaas oo sidoo kale lagu sheegay Heshiis dhexmaray labada shirkadood.

Shirka jaraa’id ee labada shirkadood sida wada-jirka ah ugu shaaciyeen adeegyada ay iska kaashanayaan, waxa dhinaca shirkadda Somtel uga qayb-galay Maareeyaha Guud ee Shirkadda Cawil Saalax Cabdi oo ay wehelinayeen Chief Engineer-ka Guud ee Shirkadda Haashi Maxamed Xasan, madaxa ISP Xasan Sheekh Suufi iyo Madaxa Iibka iyo Suuq geynta Iid Muuse Muxumed. Waxa Shirka jaraa’id dhinacooda goob-joog ka ahaa saraakiil sarsare oo ka socday shirkadda Caalmaiga ah ee Google kaasi oo noqonaya heshiiskii ugu horeeyey heer caalami ah ee ay shirkadda Somtel la gashay shirkadda Google oo ku caan baxday xagga adeeyada Internetka.

Ugu horeynta, waxa halkaas ka hadlay  Injireerka guud ee shirkadda Somtel Haashim Xasan Maxamed oo si Kooban uga warbixiyey adeegyada kala duwan ee shirkaddu bulshada u fidiso gaar ahaan adeegga Internetka oo uu ku sheegay ka ugu xawaaraha dheer ee laga isticmaalo Somaliland.

blank

Mr Haashim waxa uu xusay inay shirkadda Somtel ku faraxsantahay inay shirkadda caalamiga ah ee Google, “Aniga oo ku hadlaya afka shrikadda Somtel iyo guud ahaanba Dahabshiil Groups, waxaanu soo dhaweynaynayaa shirkadda Google oo ay inagala joogaan wefti uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka shirkaddaasi Mr Nelson Mattos,” ayuu yidhi Eng Haashim, isaga oo hadalkiisa intaas ku daray, “Saaxiibadeena Google oo dunida oo dhan laga wada yaqaano waxaanu ku soo dhaweynaynaa Somtel oo aad ku barateen inay tahay shirkadda ugu Internetka fiican Somaliland.”

Maareeyaha Guud ee shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi oo kulankaas ka hadlay, ayaa ka warramay heshiiska ay labada shirkadood sida wadajirka ah ugu shaqaynayaan. Mr Cawil waxa uu  sheegay in heshiiska laba geesoodka ahi ku yimi wada-hadalo dhexmaray Masuuliyiinta laba dhinac wakhti ay Saraakiil ka socotay Google booqasho ku yimaaddeen Hargeysa.

 “Maanta waxaanu dadweyaha reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay Hargeysa inoogu timi shirkaddii caalamka ugu weynad xagga adeegga Internetka ee Google oo wada yeelanayno xidhiidh isku dhan,” ayuu yidhi maareeyaha Guud ee shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi, isaga oo intaas ku daray, “marka aan leeyahay waxaanu wada yeelanaynaa xidhiidh isku dhan waxaan uga jeedaa mid khuseeya xagga Isgaadhsiinta marka ay dadku fariimaha iskugu gudbin karayaan”

“Waxaan ugu bushaaraynayaa macaamiisha Somtel ee isticmaala adeegyadeeda iyo kuwa aan rajeynayo inay nagu soo biiri doonaan wiiggaga iyo bilaha soo socda inay shirkaddii Google oo banaamijyadeedii wadataa Hargeya inoogu timid,” ayuu yidhi maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi.

blankMr. Cawil Saalax oo ka hadlaya faa’iidada adeegga ay iska kaashadeen SOMTEL iyo GOOGLE, waxa uu yidhi, “adeeggan cusub ee aanu sida wada-jirka ah u hirgalinayno anaga [Somtel] iyo shirkadda Google waxa uu kuu saamaxayaa inaad Gmailka Acount-ka aad ku leedahay si caadi ah dadka ugala sheekaysan karto iyada oo aanay wax lacag ahi kaaga baxayn oo aanu free kaaga dhignay.” Waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxaan rejaynayaa inay macaamiishu u riyaaqi doonaan isla markaana ay naga heli doonaan adeegyada ay uga baahan yihiin xidhiidka caalamka intiisa kale iyaga oo adeegsanaya barnaamijka Somtel Google Service.”

Cawil waxa uu sheegay inay Somtel ku gaadhay talaabadani dedaallo badan oo ay qaadeen shaqaalaheeda oo adeegsanaya aqoontooda iyo khibrad dheeraad ah oo ay u leeyihiin macluumaadka xagga Internetka.

Maareeyaha shirkadda Somtel oo fasiraya waxa uu adeeggani  soo kordhin karo maadaama ay dadku markii horaba isticmaali jireen adeegga Internetka ee Somtel iyo qaybaha  kala duwan ee Internetka sida Facebook-ga, MSN-ka iyo kuwo kale waxa uu sheegay inuu qofku kala xidhiidhi karto isaga oo isticmaalaya SMS-ka Moobilkiisa caadiga ah islamarkaana uu qof kale Mobile-kiisa kala hadli karo Laptop-kiisa  ama hadba nooca Computer-ka uu isticmaalayo.

Masuulka shirkadda Google ka socday Mr. Nelson oo ka hadlay kulankaas ayaa faahfaahin ka bixiyey faa’idada uu adeeggani, waxa uu xusay inay Macaamiisa Somtel asxaabtooda kale ee dunida dacaladeeda kala jooga si dhibyar u gala sheekaysan karaan iyaga oo isticmaalaya Sanduuqooda farriimaha ee Google Gmail-ka.

“Adeegsiga Google Service waxa uu kuu sahlaya inaad la xidiidho macaamiishaada kala duwan ee caalamka kala jooga,” ayuu yidhi Mr. Nelson isaga oo intaas ku daray, “qof kasta waxay u leedahay faa’iido badan waanay u dhibyartahay inuu adeegsado barnaamijka aanu iska kaashanayno shirkadda Somtel.”

Masuuliyiinta Shirkadda Somtel oo shirka jaraa’id wax lagaga weydiiyey qaabka loo marayo cillad saarka adeeggan uu Macaamiishooda ku cusub yahay, waxay sheegeen inay kala kaashanayaan shirkadda Google. Waxa uu sidoo kale, qodobkan ka hadlay masuulka ka tirsan shirkadda Google oo sheegay inay diyaar u yihiin xallinta caqabad kasta oo hakad gelisa barnaamijka wada shaqaynta ah ee ay la galeen shirkadda Somtel.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories