HomeShirkadda SOMTEL oo door hufan ka qaadatay soo dhawayntii Orodyahanka Caalamiga ah...

Shirkadda SOMTEL oo door hufan ka qaadatay soo dhawayntii Orodyahanka Caalamiga ah ee Maxamed Faarax (Mo Farah)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,  (SLpost) – Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel ayaa si weyn uga qayb qaadatay soo dhaweyntii Orad-yahanka Maxmed Farax oo maanta ka soo dagay madaarka Diyaaradaha ee magaalada Berbera ee gobalka Saaxil. Orodyahanka oo ay booqashadiisa uu Somaliland ku yimid ku wehelinayeen Xaaskiisa iyo inanyar oo ay dhaleen iyo fanaanka caanka ah ee Sir Maxameduud Cumar.

blankWaxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweyey saraakiil ka tirsan shirkadda Somel oo xalay saqdii dhexe u guuro galay Bebera si ay uga hortagaan Ordayahankaasi.

Dhanka kalena, waxaa soo dhaweynta oradyahanka ka qaybqaatay Wasiirka duulista iyo hawada ee somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Maayarka magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Carab [Cabdalla sandheere], wasiirka Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda dhalinyarda iyo ciyaaraha.

Badhasaabka gobalka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobalka Saaxil, Diyaaraddii uu la socday oradyahanka Maxamed Faarax oo xalay fiidkiika soo duushay garoonka Diyaaradaha ee hiro waxay 8:45 subaxnimo soo caga dhigatay dhabaha Diyaaradaha ee magaalada xeevbta ah ee Bebera halkaasi oo ay si weyb ugu soobixidoonin diiwaanka dhacdooyinka caalamiga ah islamarkaana uu waxbadan dib ka xasuusan doono noloshiisa inta ka hadhay “maanta waxay ii noqon doontaa qayb kamida taariikhda noloshayda oo aanan waliga ilaawi doonin ayuu yidhi Maxamed Faarax oradyahanka caanka ah oo dhawaan kuguuleystaya oradka 5000 kun ee Mitir. dhaweeyeen oradyahanka Shirkadda Somaltel iyo masuuliyiinta xukuumadda ka socotay iyo qaarkamida ehelkiisa.

blankOradyahan Maxamed Faarax oo halkaa ka hadlay waxa uu dareenkiisa marlabaad ku celiyey inay maanta u tahay taariikh aan ka Dhanka kalana waxa uu oradyahanku halkaa si hagar  la,aan ah uga mahad celiyey shirkadda Somatel oo kaalin weyn ka qaadatay sidii quruxda badnayd ee loogu soo dhaweeyey Barbara illaayo Hargeysa,Shirkadda Somtel waxay soo dhaweynta oradyahanka Maxamed Faarax kaga qayb qaadatay raxan ka mida gawaadhiga lagu raaxaysto [TAYOTA LAND CRUISER] oo ah noocyadii ugu dambeeyey lagu samayeeyey waddanka Japanka iyo guud ahaana kharashadkii iyo wixii shidaal ku baxay soo dhaweynta oradyahankaasi.

Ka sakaw inay shirkadda Somtel bixisay gaadiidka aan soo sheegay waxay indhaha warbaahintu qabanaysay saraakiil farabadan oo ka tirsan Somtel oo dhabaha ay diyaaraduhu  ka soo dagaan  kana duulaan la hoganayey boodhweyn oo lagu xardhays sawirka iyo magaca oradyahan Maxamed Faarax taasi oo muujinaysa sida baaxadda  leh ee shirkadda Somatel muruq iyo maalba isugu geysay soo dhaweynta oradyahanka caanka ah Maxamed Faarax.

Oradyahanka Maxamed Faarax isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku aadan soo dhaweynta quruxda badan ee ay Shirkadda Somtel u samaysay waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa shrikadda isgaadhsiinta Somtel sida qiimaha leh ee ay iigu soo dhaweysay dalkayga hooyo”

Dareenka iyo farxadda badani ku dheehantahay ee uu maanta oradyahan Maxamed Faarax kalakulmay Shirkadda Somtel,masuuliyiinnta Xukuumadda Somaliland iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland waxaa isna dareenkiisa ku cabiray Fannaanka caanka ah ee Sir Maxamuud Cumaryare oo oradyahanka safarkiisa kuwehelinayey waxaanu sheegay inay taariikhdu dib ka xusi doonto qiimaha iyo soo dhaweynta shirkadda Somtel iyo guud ahaan dadka reer Somaliland ku qaabileen oradyahan Maxamed Faarax iyo reerkiisa “runtii ma garanayo waxaan ku cabiro dareenkayga sida aan la ilaawi karin ee aad noo soo dhaweyseen shirkadda Somtel iyo wasiirkada iyo maayarka Barbera iyo guud ahaamba dadka reer Somaliland”

Intaasi ka dib ordyahanka waxaa loo soo galbiyey dhinaca  magaalada Hargeysa halkaasi oo ay boqolaal ka mida dadweynaha reer Hargeysa kaga koryimaadeen kantaroolka Halleeya ee bariga magaalada  looga baxo iyaga oo markii dambana u soo galbiyey dhinaca Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyey isaga iyo dadweyne farabdan oo kamida asxaabtii  sida weyn ugu soo dhaweysay magaalada Hargeysa.

Oradyahanka Maxamed Faarax waxaa qadadii ka dib waxaa loo qaaday dhinaca Hotelka Safari ee xaafadda Jigjigayar maadaama meel uu dago looga waayey Hotelka Maan-soor iyada oo aanay meeli ka banaanayd qaybaha hurdada Hotelkaasi darteed loogu wareejiyey Hotelka kale ee Safari halkaasi oo lagu wado inuu daganaan doono tan iyo 30ka bisha marka la gaadho xiligaasi oo lagu wado inuu dib ugu laaban doono dhinaca dalka UK oo uu dagan yahay Maxamed Faarax.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories