HomeShirkadda Sahal Travel & Logistics oo Nidaam Casri ah u Fulinaysa Adeegyada...

Shirkadda Sahal Travel & Logistics oo Nidaam Casri ah u Fulinaysa Adeegyada ay Bulshada u hayso iyo Waxyaabaha ku Cusub

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Socdaalka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ee Sahal Travel and Logitics, ayaa Adeegyadeeda Dhinaca Isgaadhsiineed ee Casriga ah ku soo bandhigay Carwada Tignoolajiyadda Somaliland oo Maanta laga furay Hotel Maansoor ee Hargeysa oo uu laba maalmood ka soconayo.

blank

Sahal Travel and Logistics oo noqotay shirkadda kali ah ee Shirkadaha Socdaalka ee carwada ka qayb-gashay isla markaana adeegyadeeda ku soo bandhigtay carwada shirweynaha Teknoolajiyadda Somaliland, waxa ay soo bandhigtay adeegyo casri ah oo aan hore uga jirin dalka kuwaas oo loo adeegsan doono isu-socodka ee Dadka iyo Alaabaha ee gobollada isla markaana la jaan-qaadaya oo ku shaqaynaya farsamada casriga ah teknoolajiyada dunida.

Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Bulshada ee shirkadda Sahal Travel and Logistics, Cabdiqani Nuur Maxamed oo madasha Carwada kula hadlay warbaahinta, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaab casri ah oo ay bulshada ugu fulinayaan adeegyadii ay hore u bixin jireen, kuwaas oo uu sheegay inay noqonayaa qaar ay dheer yihiin ama kaga duwan yihiin shirkadaha kale ee dhiggooda ah.

blank

“Annagu (Sahal Travel and Logistics), waanu ka duwanahay shirkadaha halkan isugu yimi ee isgaadhsiinta oo waxaanu nahay shirkad socdaal, laakiin waxa lays weydiinayaa SAHAL halkee ayay ka soo galaysaa Shirkan ku saabsan Teknoolajiyada,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdiqani.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “SAHAL ahaan waxaanu halkan kaga faa’idaysanaynaa inaanu soo bandhigno hab cusub oo teknoolajiga la jaan-qaadaya oo lagaga maarmayo sidii qadiimiga ahayd ee Alaabaha loo qaadayey. Iyadoo hore lanooga bartay socdaalka gaadiidka ee Taxi-ga ama baska, waxaanu soo kordhigay adeegyada Logistics-ka (Qaadista iyo dhowrista Alaabaha) oo imika u shaqeeya qaab la jaan-qaadaya teknoolajiga.”

blank

Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda Sahal Transport, waxa uu sharraxaad ka bixiyey Qodobbada gun-dhigga u ah ee casriyeynta adeeggooda, waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaareeyey in tallaabadani suurta-galinayso inay si deg-deg ah ku helaan alaabahooda.

“Alaab-dirista (Logistics) saddex siyaabood ayaa ugu muhiim. Ugu horeyn Dhowrista ama Badbaadada alaabta (Safety), in alaabta xilligeedii lagu geeyo meesheedii (Time of Delivery) iyo inuu yeesho Ka-war hayn ama la-socosho (Communication or Tracking),” sidaas ayuu yidhi Mr Cabdiqani.

blank

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Sahal Transport and Logistics oo la aasaasay badhtamihii sannadkii 2015-kii ay xafiisyo ka furatay magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa wax badan ka beddeshay nidaamka isu-socodka ee gobollada dalka, waxaanay shirkaddu dalka keentay gaadiid cusub iyo adeegyo hufan oo ay ku kasbatay kalsoonida Shacabka Isaga kala goosha gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Warbixin laga diyaariyey adeegyada ay soo kordhisay Sahal Travel and Logistics

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories