HomeShirkadda RIO Architects oo door weyn ka qaaddatay Dhismaha Masaajid Casri ah...

Shirkadda RIO Architects oo door weyn ka qaaddatay Dhismaha Masaajid Casri ah oo Hargeysa laga hirgeliyey iyo Kaalinta ay ka geysato Horumarka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Wax la Naqshadeeyo iyo wax laga shaqeeyo waxa ugu qaalisan Baydka Ilaahay,” Warfaa Maxamed Xaaji

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dhismaha iyo Naqshadaha ee RIO Architects, ayaa lagu ammaanay naqshad casri ah oo ay u samaysay Masaajid Daarul-Iimaan oo laga hirgeliyey Xaafadda Jigjiga Yare ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhismihiisa dhowaan la dhammeystiray.

masjidka2

Shirkadda RIO Architects oo ka shaqaysa Naqshadaynta iyo La-talinta Farsamada Dhismayaasha, ayaa masaajidka ugu tabarucday isla markaana si bilaash ugu samaysay naqshadda dhismihiisa oo nooceedu ku cusub yahay dalka.

 

Munaasibad furitaanka Dhismaha Masaajidka oo gudihiisa loogu qabtay, waxa ka qayb-galay isla markaana ka hadlay Wasiirka Diinta & Aw-qaafta Somaliland, Iimaamka Masaajidka, Maamulka shirkadda RIO Architects iyo Shirkaddii Fulisay Dhismaha Masaajidka.

masaajid

Iimaamka Masjidka Daarul-Iimaan Sheekh Axmed Iid Cabdisalaan oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa ku ammaanay shirkadda RIO Artchitects doorka ay ka qaadatay Qurxinta Dhismaha Masaajidka oo qaabka loo farsameeyey Naqshaddiisu ku cusub tahay guud ahaan Somaliland.

Sheekh Axmed id

“Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadda RIO ee ku takhasustay Naqshadaha iyo qaabka quruxda badan ee Masaajiddada iyo meelaha kaleba loo dhiso. Shirkadda RIO oo runtii ay hawl-wadeenno ka yihiin da’yarteennii iyo dhalinyarteenii gudaha iyo dibaddaba wax ku soo baratay, runtii aad baan ugu mahad-naqayaa, waayo naqshaddaas quruxda badan eed arkaysaan iyagoon lacag naga weydiin ayey keeneen oo waliba ay ku kormeerayeen oo daba-taagnaayeen maalintii la bilaabay ilaa maalintii furaha lanagu soo wareejinayay,” Sidaas waxa yidhi Sheekh Axmed Iid Cabdisalaan oo shirkadda iyo masuuliyiinteeda ugu duceeyey Eebbe inuu ka abaalmariyo Aqoontooda ay ugu tabaruceen Guriga Illaahay.

Warfaa

Warfaa Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Masuuliyiinta sare-sare ee Shirkadda oo isagunamunaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey geeddi-socodkii uu soo maray iyo Juhdigii ay geliyeen doorkooda naqshadaynta Dhismaha Masjidka.

 

“Shalay uunbay markii aanu ka shaqaynaynay Riyadan hirgashay ee aynu maanta markhaatiga ka nahay. Dhismahaa quruxda badan leh siduu u ekaan lahaa iyo sidaanu naqshadda u samayn lahayn, shalay uunbay ahayd markii aanu ka shaqaynaynay, maantana isagoo rumoobay ayaynu dhex-joognaa waana wax Illaahay loogu mahad-naqo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Warfaa Maxamed, waxaanu halkaas uga mahad-celiyey Guddiga Masaajidka oo uu ii sheegay inay fahamsanayeen muhiimadda ay leedahay dejinta Naqshadda iyo Qaabka uu u ekaanayo Masjidku ka hor inta aanu dhismihiisa la bilaabin.

Warfaa
“Waxaad aad ugu mahad-naqayaa Guddiga Masaajidka Sheekh Axmed Iid, Sheekh Cabdilaahi Xaaji iyo dhammaan Guddiga Masaajidka oo fahamsanaa qiimaha ay leedahay in masaajidka loo sameeyo nashqad casri ah oo habaysan iyo inuu masaajidku lahaado Cid La talisa oo Kormeer ku samaysa inta dhismuhu socdo. Taasna waxa noo sahlay annaga oo aad uga wada-shaqaynay inuu masaajidku noqdo masaajid Casri ah, waafaqsanna shuruudihii laga heli lahaa Masaajid noociisa ah. Wax la dhiso, wax la Naqshadeeyo iyo wax laga shaqeeyo waxa ugu qaalisan Baydka Ilaahay,” Sidaas ayuu Warfaa Maxamed Xaaji Maxamuud.

 

Shirkadda RIO Architects oo Xarunteeda Guud tahay magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ah Shirkado faro-ku-tiris ah oo bulshada uga faa’ideeya Adeegyo noocoodu ku cusub yahay dalka,  waxaaana adeegyada ay bixiyaan ugu muhiimsan Naqshadaynta qaab-dhismeedka Dhismayaasha (Architects), Naqshadaha Qurxinta Gudaha iyo Dibadda dhismayaasha (Land Scape and Interior Design), Dejinta Farsamada Dhismaha (Structural Engineering) iyo sidoo kale Talo-binta iyo Kormeerka Dhismaha (Construction Administration).    

 

Shirkaddan ayaa gobollada iyo degmooyinka dalka ka fulisay mashaariic tiro badan oo wax-qabadkooda iyo tayadooda lagu majeertay, waxaanay isugu jiraan Dhismayaal Ganacsi, kuwo Dowladeed, Cusbitaallo, goobo Waxbarasho iyo Xafiisyo ku kala yaalla dhowr gobol oo ka tirsan gobollada Dalka.

 

Sawirrada Qaybo ka mid ah Mashaariicda ay Dalka ka fulisay shirkadda RIO Architects

Laascaanood Academy
Laascaanood Academy

 

Osob mall
Osob mall

 

Horyaal Hospital
Horyaal Hospital

 

Gacanta Mall
Gacanta Mall

 

Ministry of Energy, Somaliland
Ministry of Energy, Somaliland
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories