HomeShirkadda Qalabka Guryaha ee Al-Nuur Furniture oo Casho-sharaf ku Maamuustay Dhammaan Ciyaartoyga...

Shirkadda Qalabka Guryaha ee Al-Nuur Furniture oo Casho-sharaf ku Maamuustay Dhammaan Ciyaartoyga 13 gobol ee Ka Qayb-qaadanaya Tartanka ciyaaraha Dalka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Casuumadda Al-Nuur (4)Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Qalabka Guryaha ee AL-NUUR Furniture, ayaa Caawa Casuumad casho-sharafeed soo dhaweyn ah ku maamustey dhamaan Ciyaaryahanada ka kala socda 13-ka Gobolka ee ka qeybgalaya tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Maalinta berri oo Axad ah ka furmi doona Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey Casho-sharafeedan oo caawa lagu qabtey Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Kaluumeysiga iyo Khayraadka Baddaha Cabdilaahi Cismaan Geel-Jire, Hawlaha Guud iyo Guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade, Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif, Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiiru-dawlaha Maaliyada Cismaan Saxardiid (Cadaani), Wasiir  ku xigeeno, Qaar ka mida badhasaabyada Gobolada, Maayarada Qaarkood iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Kooxda Hidaha iyo dhaqanka ee SOCSA, Iyo Marti sharaf kale.

Casuumadan Casho sharafta oo ay maalgelisay Shirkada AL-NUUR Furniture kuna maamustey dhamaanba Ciyaaryahanada ka kala socda 13-ka Gobolka ee ka qeybgalaya tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee furmaya, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay, Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raysal, waxaanu Wasiirku bogaadiyey Wasiirada, Badhasaabyada, iyo dhamaanba 13-ka gobol Ciyaaryahanadooda lagu soo macsuumay Casho-sharafta, waxaanu yidhi, “Farxad ayey ii tahay madashan qiimaha baddan ee ay caawa isugu soo uruureen dhalinyaradii Ciyaaraha ee 13-ka gobol ee Somaliland ka kala yimid, oo ay madasha iigu yimaadeen oo dhalinyaradii Ciyaaruhu ugu dabaal-dagayaan dhamaan golayaashii qaranka Somaliland”.

Isaga oo hadaalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Sababta ay halkan u fadhiyaan madaxda qaranku waxa weeyaan idinka (Ciyaaryahanada) oo ay idin sharfayaan, oo ay maamus  idiin sameynayaan, idin qadarinayaan, idin-weynaynayaan oo sharaftiina iyo karaamadiina aad mudan tihiin ee aad halkan la timaadeen, kuna doonaysaan inaad ku gudataan waajibkiina Ciyaarnimo ee aad halkan ku timaadeen miisaankeeda awgeed ayaa waxaas oo madax qaran ahi halkan u timid”.

Md. Cali Siciid Raygal oo la dar-daarmaya Ciyaaryahanada ka qeybgalaya tartanka Ciyaaraha Gobolada waxa uu yidhi, “Waa inaad ogaataan qaranka iyo umadda Somaliland iyo gobolada aad ka timaadeen aad qiimo-weyn ugu fadhidaan, waa inaad dareentaan sida la idiin ixtiraamay iyo milgaha la idinka marey aad idinku milgaheeda martaan oo waajibka idin saaran aad ka soo baxdaan”

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay inay halkan isugu yimaadeen Ciyaaryahanada ka kala socda 13-ka Gobolka ee Somaliland, kuwaas oo uu tilmaamay inay Ciyaari doonaan sadexda Ciyaarood ee Somaliland laga Ciyaaro oo kala ah, ayuu yidhi Ciyaarta Kubadda Cagta, Ciyaarta Gacanta iyo Orodada. “Waxa noo farxad ah Gobolo Somaliland ah oo aan hore Ciyaaraha Gobolada uga soo qeybgelin inay maanta Ciyaaraha Gobolada ka soo qeybgaleen”.Ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad si fiican isku soo dhaweysaan oo aad dad walaalo ah iska dhigataan, oo aad u aragtaan inaad tihiin dad walaalo ah oo kala maqnaa oo isku yimid oo aad gacmaha is-qabsataan, Ciyaartu waa mada-daalo, laakin waa inaad weligiin isku dhex-jirtaan. Berrito (Axad) tartankii ayaad galaysaan oo 2:00 duhurnimo garoonka aynu joognaynu.  Haddii bulsho meel isugu timaado Sports-ku askar dhibbooya oo meel lagu xareeyey kama duwana oo wax baddan ayaa kala go’i kara”

Wasiir Cali Raygal waxa uu si mug leh ugu mahad-celiyey Shirkadda AL-NUUR Furniture oo uu ku tilmaamay Shirkad ka qayb-qadata waxqabadyada tabarucaadka ah ee Bulshada, maamulkeeduna ku mahadsan yahay Casuumada Casho-sharafta ee ay Ciyaaryahanada ka kala socday 13-ka Gobolka u sameeyeen, “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa Shirkadda Al-NUUR Furniture oo noo suuragelisay inay kharashka halkan ku baxaya (Casuumada Casho-sharafta ay iyadu bixiso,” ayuu yidhi wasiir Raygal.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Maxamed Cabdi Xaabsade, Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ka codsaday Ciyaaryahanada ka kala socda sadex iyo tobanka Gobolka inay akhlaaqda Ciyaarta ilaaliyaan, isla markaana soo badhigaan Ciyaar qurux baddan.

Waxa kale oo madasha heesta calanka Somaliland ka qaaday Kooxda Hidaha iyo dhaqanka ee SOCSA, iyo heeso kale oo waddaniya.

SOMALILANDPOST.NET

Google

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories