HomeShirkadda Pontus Marine Oo Ka War-bixisay Hawl-galkeedii dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

Shirkadda Pontus Marine Oo Ka War-bixisay Hawl-galkeedii dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Shirkadda Pontus Marine Ltd ee maal-gashiga ayaa kalluumaysiga dalka ka bilowday, ayaa tafaasiil ka bixisay tallaabooyinka ay qaadeen mudadii koobnayd taasi oo ay bulshada ku dhacsiinayeen qorshahooda oo ay ku gaalaa bixiyeen goboladda dalka qaarkood iyo wadamo ku yaala Yurub.

Sidaasna waxay shirkadu ku sheegtay war-saxaafadeed dheer oo uu soo saaray Maaryeeha Guud ee Pontus Marine ltd UK Ahmed Abokor A. Mohmoud, waxaanu war-murtiyeedkaasi isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“Sidaad dhamaantiin ka warqabataan Pontus Marine Ltd waxay ku hawalanayd hirgalinta barnaamijkii qorshaysnaa ee loo dejiyay sidii shirkadan loo hawl galin lahaa.

PONTUS-MARINE-LTD-PR-image-300x225

Qorhsahaas oo koobani waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

1- Wajiga Hore oo ku soo ururaya 
A- Sidii ay shirkadu ay u dhamystiri lahayd sharciyadii ay ku hawl gali lahayd. Illaahay mahadii waxaa noo qabsoomay in imika rukhsadihii ay ka soo dhamaystirimeen Somaliland iyo UK tii Ethiopiana ay gacanta ku jirto dhamaystikeedii. Waxa kale oo intaa dhinac socda dhamaystirka hab maamulka shirkada iyadoo la waafajinayo shuruucda wadamada ay ka hawl-galayso.
B- Ogaysiin iyo wacyigalin.
Waxa shirkada u qorshaysan in loogu tago bulshada goob kasta oo suurto-gal ah si loo fahmsiiyo qaab dhismeedka iyo habka loo maal-gashanayo shirkadan. Goobihii illaa hadda aanu ka hawlgalay waxa ka mid ah
i- wadanka UK magaalooyinka London, Birmingham, Sheffield iyo Bristol
ii- wadanka Somaliland magaalooyinka Burco, Berbera, Hargeysa iyo Ceergaabo;
iii- wadanka Denmark caasimadiisa Copenhegan,
iv- wadanka Norway caasimadiisa Oslo.
Waxa kale oo qorshaha noogu jira inaanu soo marno
Wadanka Sweden caasimadisa Stockholm iyo wadanka Findland bish November ee 2013. Gacanka khaliijka sida UAE, Qatar, Saudi Arabia iyo Kuwait bishaa November badhtameheeda.
Boroma – Somaliland; Saturday 26th October
Intaa waxaa dhinac socon doona wacyigalin ka bixi doonta televisionada ku hadla afka Soomaaliga iyo mareegaha muhiimka ahba.
Waxa qudha oo halkan xusid mudani waa kordhinta xiligii loogu tallo-galay inuu xidhmo maalgashiga shirkadu oo ahayd 31/10/2013 oo laga dhigay 31/12/2013.

Taasna waxaa keentay codsi ka yimi bulshadii dhawaan loo tagay sida Denmark iyo Norway iyo bulshada wali loo tagi doono ee ku nool wadamada Sweden iyo Gacanka Khaliijka oo sheegay in aanay suurtogal ahayn inay laba asbuuc gudohood ku diyaar garoobi karaa.
Shirkaduna waxay siisay tixgalin ku saabsan mawduucaa waxaanay go’aansatay fulinta mudo kordhsiga kor ku xusan.
Ujeedadu waa inuu qof waliba ogaado fursadan ay soo bandhigtay shirkadan Pontus Marin ltd haddii uu maal gashanayo, la shaqaysanayo ama u shaqaynayoba.

Wajiga dhexe iyo wajiga sadexaad ee ugu danbeeya
a- In la dhamaystiro wixii shaqo ah ee aan dhamaan wajigii hore. tusaale ahaan siidii hubaal looga dhigi lahaa in qof wal oo saami iibsatay ay haysto shahaadadiisii saamiga oo sax ah.

b- In la galo aasaaskii shirkada sida dajinta habkii loo soo gadan lahaa agabka ay dhamaan shirkadu u bahaantahay, xafiisyada iyo goobaha ay shirkadu ka hawlgali doonto iyo dhamaan wixii la xidhiidha aasaaska shaqada iyo wada shaqaynta, iibka iyo iibgaynta. Shuruudihii lagu xidhi lahaa cidii qaadanaysa qandaraas noocu doonoba ha ahaadee.

Waxay shirkadu siinayasaa fursada kowaad dadka hantida gashaday shirkada haddii ay buuxiyaan shuruudihii laga rabay.
c- iibsiga dhamaan agabkii loo baahnaa lana geeynayo goobtii looga baahnaa, la qorayo dhamaan shaqaalihii loo baahnaa lana geeyay goobtii looga baahnaa, la bixinayo qandaraas wixii loo baahnaa oo lala galayo heshiis cid kasta oo wada shaqayni ay dhex marayaso shirkada Pontus Marine Ltd.

Waxa intaa dhinac socda iyadoo la war galinayo mulkiilayaasha halka xaal iyo hawli marayso.
wixii faahfaahin dheerad ah u baahani fadlan hanaga la soo xiidhiidhaan telefoonka iyo emailka hoos ku qoran.
Allaa mahad leh
Maaryeeha Guud ee Pontus Marine ltd UK
Ahmed Abokor A. Mohmoud
Email : info@pontusmarine.com
Telephone +44 7888 761 733

Somaliland
Guul Group
growth@guulgroup.com
Phone: 510518 / 0634018166 / 0633466885 / 908181

Pontus Marine Ltd – www.pontusmarine.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories