HomeShirkadda Pontus Marine ee Maal-gashiga Kalluumaysiga oo Munaasibad laysku arkay ku Daahfurtay...

Shirkadda Pontus Marine ee Maal-gashiga Kalluumaysiga oo Munaasibad laysku arkay ku Daahfurtay Xafiiskeeda Hargeysa + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Pontus Marine oo dalka ka hirgelinaysa Mashruuc ay ku maal-galinayso wax soo saarka kalluumaysiga dalka, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furatay Xafiiskeedii saddexaad ee ay dalka ka furato, ka dib markii ay todobaadkii hore xafiisyo ka hirgelisay magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Munaasibad lagu daahfuray xafiiska shirkadda ee Hargeysa oo ku qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo xildhibaanno ka tirsan golahaas, raxan Wasiirro ah, masuuliyiinta shirkaddaas iyo marti-sharaf kale, waxana munaasibaddaas daah furayey muwaadiniinta iyagu doonayay in ay saami ku yeeshaan si ay wax-soo-saarkeeda uga qayb-qaataan, in kasta oo aanay shirkaddu dalka ka bilaabin hawlaha ay maal-gelinayso.

Gudoomiyaha shirkadda Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay, ayaa faah faahin iyo sharaxaad mug leh ka iftiimiyey shirkaddan ka shaqayn doonta dhinaca kalluumaysiga oo noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dalka laga hiirgaliyo,waxaanu sheegay inay mudan tahay in laga faa’idaysto kheyraadka ku duugan badda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, maareeyaha shirkaddan Pontus Marine  Axmed Abokor ayaa isaguna sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u shaqayn doono shirkaddu isaga oo sheegay in ay tahay maalgashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyeen oo ay shaqooyin ka heli doonaan boqolaal qof oo reer Somaliland ah.

Sida oo kale waxa goobtaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta,Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories