HomeShirkadda Maal-gashiga KALLUUMAYSIGA ee Pontus Marine oo Xafiis ka Furatay Magaalada Berbera

Shirkadda Maal-gashiga KALLUUMAYSIGA ee Pontus Marine oo Xafiis ka Furatay Magaalada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)-Shirkadda Casriga ah ee kalluunka Pontus Marine LTD, ayaa maanta xarun Cusub ka furatay magaalo xeebeeda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadii furitaanka oo ahayd mid si qurux badan loo soodiyaariyay o oo ay manta ku qabteen horel Barqaaqo mgaalada Berbera, waxa ka soo qay galay Maareeyaha Shirkaddan, Afhayeenka Madasha Wada tashiga Ibraahin dhega wayne, Salaadiiniyo iyo xubno kamida ganacsatada Berbera, ayaa waxa ay kagag hadleen qaabka ay shirkadda Pontus Marine doonayso inay uga hawl gasho Somaliland iyo qaabka looga gelikaro sheerarka oo ay tilmaameen inay Umadda reer Somaliland u furan tahay.

Agaasimaha shirkadda Pontus Marine LTD Axmed Abokor oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay shirkaddani noqon doonto mid ka hawl geli doonta Somaliland oo ay xarumeheedu noqon doonaan magaalooyinka Maydh iyo Berebra, isla markaana ay sheerer ku yeelan karaan dadweynaha reer Somaliland, iyada oo sheerka ugu yare e laga geli karaa uu yahay $500 Dollar oo dalka dadka jooga ah halka ay dadka dibedda joogaan ku geli karaan sheerka lacagta ugu yar $1000 Dollar.

Pontus (1)Agaasimaha shirkaddan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay hadda hayaan intii badnayd lacagtaasi oo laga doonayo in la helo lacag ka badan 5milan oo Dolar, waxaanuu xusay inay dhowaan si weyn u daah furi doonaan dhamaan dalka oo dhan shirkaddan oo dalka debaddiisa u iib geyn doonta Kalluunka Somaliland oo ay  la tartansiin doonaan kalluunka dinuda, isla markaana ay sayladaha caalamka u iib gayn doonaan, waxaana shirkadda hogaaminaya sida uu sheegay Axmed Abokor Khabiirro reer Yurub ah.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi xafiiska kaga furanaysay shirkadda Pontus Marine LTD, ayaa ku bogaadiyey muwaadiniinta hindisay qorshahan ee umaddooda u soo bandhigay, waxaanu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay jaaniskaas ka faa’iidaystaan.

PontusDhinaca kale dadweynaha reer Somaliland ayaa ka faa’iidaysanaya jaaniska saamiga ay ku yeeshaan shirkadda Pontus Marine, iyada oo oo ilaa hadda is diiwaan geliyey dad ka badan boqol qof oo dalka gudihiisa ku sugan.

Shirkada Pontus Marine, ayaa todobaadkan sidoo kale Xafiis ka furatay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo ay bulshada ugu soo bandhigay inay ka qayb-qaadan karaan saamiyada shirkadda, waxaana isla markiiba madashii furitaanka Xafiiska ka dhawaaqay inay ka qayb-galayaan saamiyada Shirkadda 76 qof oo isugu jira ganacsato iyo qaybaha kale bulshada Togdheer.

DAAWO

Somalilandpost.net/Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories