HomeShirkadda Korontada ee SOMPOWER oo Golaha Guurtida looga yeedhay

Shirkadda Korontada ee SOMPOWER oo Golaha Guurtida looga yeedhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Shirkadda Korontada ee SOMPOWER ayaa hortagay Guddida joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland oo looga yeedhay, waxaanay kulan ku yeesheen dhismaha aqalka Golahaas gelinkii hore ee maanta.

Kulanka dhexmaray Sompower iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaday saxaafadda la hadlay Eng. Maxamed Ibraahin oo ka tirsan maamulka shirkadda Sompower.

blankEng Maxamed Waxa uu sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan leeyihiin wakaaladda biyaha ee Hargeysa, wada-shaqayntaas oo la xidhiidha hawlaha biyaha-gelinta iyo korontada, gaar ahaan masaafadda ay isku jiri karaan meelaha beebabku marayaan iyo kaybalada laydhku, iyada oo laga taxadarayo khatar kasta oo ka iman karta isu dhawaanshaha biyaha iyo laydhka.

Sidoo kale, maareeyaha shirkadda Laydhka ee Sompower Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin (Cabdilaahi Beershiya) oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay intii ay socotay biyo ballaadhinta caasimaddu in ay kala shaqeynayeen wakaaladda biyaha ee Hargeysa, isaga oo xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo dhexmaray iyaga iyo wakaaladda biyaha ee caasimadda, wuxuuna intaas ku daray in marka ay dhigayaan kaybalada ay adeegsadaan habraacyada iyo hagayaasha badqabka korontada oo ay soo saartay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyey ay diyaarinayeen sidii ay u xalin lahaayeen caqabado ka horyimid biyo ballaadhinta caasimada Hargeysa, wuxuuna xusay in ay qaarkood wax ka qabteen oo ay xaliyeen yeedhitaankooduna uu daba socday hawlaha biyo-balladhinta ah, isla markaana uu yahay waajib saaran wixii bulshada caqabad ku ah inay ka hawl galaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories