HomeShirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo Laascaanood ku Daah-furtay Adeegga Casriga ah ee 3G

Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo Laascaanood ku Daah-furtay Adeegga Casriga ah ee 3G

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood, 24 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL ayaa adeegga casriga ah ee 3G ee maqalka iyo muuqaalka ah ku daah-furtay magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool.

Xafladda lagu daah-furay adeeggan cusub ee 3G, oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, ayey ka qaybgaleen Mas’uuliyiin ka socota Shirkadda Somtel, Madaxda gobolka Sool, Wax-garad, Culuma-awdiin, Ururrada Bulshada, Saxaafadda iyo Dadweyne aad u tira badan.

blank Maamulaha Shirkadda Somtel ee magaalada Laascaanood FaaraxCali Maxamed oo faah-faahin dheerada ka bixiyey adeegyada ay bixiso Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel, ayaa sheegay in ay Shirkaddu wax ka qaban doonto baahiyaha gobolka Sool.

Madaxa xidhiidhka gobollada Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ka warramay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay Shirkadda Somtel, waxaanu xusay in ay Shirkaddu wax qabad muuqda ka geysato gobollada dalka, isla mar ahaantaana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ballaadhiyaan Shirkadda Somtel.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha Cabdinaasir oo isagu xafladdaa daah-furka adeegga 3G hadallo kooban kasoo jeediyey, ayaa sheegay in Shirkadda Somtel ay tahay mid qiima jaban iyo adeegyo tayo leh lagu yaqaan, mar walbana ay diyaar u tahay kor u qaadista iyo tayeynta adeegyada looga bartay.

blank

Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadashay Samsam Maxamed oo ku hadlaysay afka ururrada bulshada, iyadoo u mahad-celisay maamulka Shirkadda Somtel kuna dar-daartay in haweenka laga qaybgaliyo shaqaalaha ka hawl-gala Shirkadda.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdiqani Cali Dhuux oo ah maamulaha Dugsiga Iqra kuna amaanay shirkada somtel doorka muhiim kaa ee ay ka qaadatay adeegyada bulshada, isagoona kula dar daarmay dhalinyaradii kasoo qayb gashay xafladaasi in ay si khaldan u isticmaalin adeega 3G.

blankGudoomiye ku xigeenka Jaamacada nugaal Cabdinaasir Maxamed Barre (Abu shaybe) oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa maamulka shirkada somtel ka cod saday in jaamacada nugaal ay keenaan adeega 3G oo dhamays tiran si ay ugu fududaato macalimiinta shaqadu.

Dhanka wax-garadka oo isna u hadlay oday Cabdilaahi Xasan yare (ileeye) oo ka hadlay xaflada daah furka adeega 3G ayaa kula dar daar may maamulka shirkada somtel in ay wax weyn ka qabtaan baahiyada kala duwan ee ka jira gobolka.

Xafladdani ayaa waxaa soo gaba-gabeeyey Maayerka magaalada Laas-caanood Kayse Maxamuud X. Xuseen oo ka warramay xaaladda deegaanka, isagoo ku aammanay Shirkadda Somtel muddada yar ee ay jirtay iyo waxqabadkeeda. waxaanu sheegay in looga baahan yahay in ay dedaalkeeda sii waddo si loo gaadho guulaha ay Somtel higsanayso.

Halkan ka DAAWO Warka Daahfurka Adeegga SOMTEL 3G ee Laascaanood

>

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories