HomeShirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo maanta soo bandhigtay Qiimo-dhimis ay ku samaysay...

Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo maanta soo bandhigtay Qiimo-dhimis ay ku samaysay Adeegyadeeda Qaarkeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haregeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shaacisay Qiimo-dhimis ay ku samaysay adeegyada kala duwan ee ay shirkadu u qabato macaamiisha.

Masuuliyiinta Shirkadda oo manta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee Shirkadda, waxa ay macaamiishooda ugu bushaareeyeen Qiimo dhimis ay ku sameeyeen adeegga Wakhtiga ku-hadalka telefoonada ee Debedda iyo Gudaha.

blankMadaxda Horumarinta Shirkadda Telesom, Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay qiimo-dhimista ugu sameeyeen macaamiisha ayaa sheegay inay qiimo-dhimis ku sameeyeen wicitaanka dalal badan oo adduunka ku yaala kuwaas oo macmiilku $1 ku hadli karo 15 daqiiqo, taas oo sida uu sheegay noqonaysa qiimo-dhimis dhan 300%.

Dalalkaas waxa ka mid ah UK, Canada, Malaysia, Chia, France, Holland, Italia, Switzerland, South Afrika, Thailand iyo US oo ah qiimo-dhimista telefoonnada Land Line-ka halka qiimo-dhimis taas hore la mid ah oo telefoonada Gacantuna ku jiraan ay ka sameeyeen kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Canada, US, Thailand iyo UK.

blankMasuulkani waxa kale oo uu sheegay inay qiimo-dhis ku-hadalka telefoonnada gacanta ee Dalka gudihiisa wakhtiga habeenkii laga bilaabo 10:00 habeenimo ilaa 6:00 subaxnimo, iyada oo $1 lagu hadli karo 200 daqiiqo. Sidoo kale, waxa uu masuulkani sheegay in dalka ay Jaarka Nahay ee Soomaaliya $1 lagu hadli karo 200 daqiiqo Maalin iyo Habeenba.

War-murtiyeedka uu Masuulkani ka akhriyey Shirka Jaraa’id oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

 “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD, oo macaamiishayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Moobilka, Internetka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga ILA-MAQAL (Codka soo dhicista mobile-ka) Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO-DHIMIS BALLAADHAN oo aanu ku samaynay adeegyada Telesom, gaar ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobile-ka, kadib markii aanu daraasanay duruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo daryeelida macaamiishayada qaaliga ah.

Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa ay ka kooban tahay sadex qaybood oo kala ah Gudaha, Dibada iyo National-ka:

1. Waxa aanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo layn-ka wadamadda dibadda (International), gaar ahaan wadamada hoos ku qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3 daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu jabinay 350% (sadex jeer iyo badh ) kana dhigaysa Telesom Shirkadda Geeska Africa ugu jaban qiimaha lagula hadlo dibadda.

UK, Canada, Malaysia, China, USA, Sweden, Denmark, Holland, Norway, Belgium, France, Germany, Thailand, Turkey, Russia, New Zealand, Italy, Switzerland, Australia, India, South Africa, Ireland.

2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo layn-ka wadamadan hoose ka dhignay 15 daqiiqo:

Canada, Malaysia, China, USA, Thailand

3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka wadamadan hoose waxaanu ka dhignay 5 daqiiqo:

UK, Sweden, Turkey, Russia.

4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay gaar ahaan Soomaliya iyo Puntland, 100% ayaanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu ka dhignay 20 daqiiqo.

DALKA GUDIHIISA:

Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6-da arroornimo. Arrintaasi waxa ay fursad gaar ah u noqonaysaa bahda warbaahinta, Dhallinyaradda iy guud ahaan bulshaddaba.”

blank

 SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories