HomeShirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo Maal-galisay Wejiga Labaad ee Mashruuca Daryeelka Carruurta...

Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo Maal-galisay Wejiga Labaad ee Mashruuca Daryeelka Carruurta La nool Cudurka Macaanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost) Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa shalay daah-furtay wejiga labaad ee Mashruuca Caruurta la nool Cudurka Macaanka. Mashruucan oo ay fulinayso Xarunta Daryeelka Caruurta Macaanka Qabta ee Global Polyclinic ee magaalada Hargeysa. Shirkadda Telesom waxay Mashruucan bixin doontaa daawooyinka la siin doono 120 muddo hal sanno ah.

Xafladan Daah-furka wajiga labaad ee mashruucan oo ka dhacay huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa shalay ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Marwo. Shukri Xariir, Gudoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Axmed Xaashi, Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda SONYO Siciid Maxamed Axmed, Maamulka Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom, Maamulka Cusbitaalka Global Polyclinic iyo Qaar ka Mid ah Waalidiinta caruurta la nool cudurka Macaanka.

2Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi Axdar waxaanu ka hadlay mashruucan taakulaynta caruurta la nool  xanuunka Macaanka waxaanu sidoo kale mahadnaq u jeediyey Shirkada Telesom, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa,  “In muddo ah waxaanu wadney hawshan in la taakuleeyo  Caruurta  qabta cudurka macaanka ee ka soo jeeda qoysaska aan  tahli kareen in ay helaan dawooyinka iyo waxii ay u baahan yahiin. Waxaa aanu ku bilowney 50 caruur ah maantana waxaa aanu diwaan galinay oo aynu gacanta ku haynaa  120  caruur ah markaa waxaan odhan karaa waa arin aad u weyn waana firkir anaga naga yimid anaga oo halkan aad iyo aad ugu mahadnaqeyna Shirkada Telesom oo naga haqab tirtey dhamaan wixii daawooyin iyo wixii kale ay u baahneyeen caruurtani, waxaa kale oo iyaduna farxad leh in maanta ay  Shirkada Telesom ay mar kale noo fidisey in mar labaad muddo sanad ah ay hawshaasi halkeedi ka sii socoto”  sidaai waxaa yidhi Agaasimaha Guud Global Polyclinic Dr.Cabdirisaaq Yuusuf.

IMG_3932Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha  Shirkadda Telsom Maxamed Cabdi Darbo waxaana ayaa ka hadlay kaalinta shirkadda ku leedahay mashruucan samafalka waxaanu yidhi, “Waxaan odhan lahaa bulshadeenu waa qaar  baahiyo badan qaba arintan caruurta yaryar ee maacanka qabtaana waa mid anaga haddii aanu nahay Telesom aad noo damaqdey  markii uu noo yimid Dr. Cabdirisaaq maamulaha Cusbitalka Global  nagana codsadey in arintaasi wax kala qabano ayaanu hadii aanu nahay Shirkada Telesom go’aansaney in aanu wax ka qabano waxaan halkan aan maanta ka cadeynaaya in mar labaad Shirkada Telesom iyada oo rabta shacbigeeda in ay wax ku soo celiso in ay mar labaad bilaabeyso Wajiga labaad ee dawo siinta iyo kaafalo qaadashada caruurtaas yaryar ee macaanka la nool”, Sidaasi waxaa yidhi  Md. Maxamed Cabdi Darbo.

Md. Darbo ayaa intaasi raaciyey in shirkadda Telesom ay markastaba u heelan tahaay bulshadeeda waxaanu shirkaddu kharashaka waxbarashadda ka bixiso sanad kasta 10 arday oo wax ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo 10 arday oo wax ka barta dugsiga Sare ee SOS oo ka soo jeeda dadka dhaqaalaha qoyskoodu hooseeyo. Waxa kale oo uu sheegay in Shirkadda Telesom ay sidoo kale kafaalo qaaday 35 caruur ah oo  aan lahayn aabaha iyo hooyadda kuwaasi oo ay shirkaddu guri uga iibisay xaafadda Xawaadle ee Degmadda Kood-buur.  Shirkadda Telesom ayaa caruurtan wax kasta oo ay baahan noloshooda siin doonta ilaa inta ay ka gaadhayaan 18 jir noloshooda ku filan.

4Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Md. Sicii Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in daladda SONYO ay ka qayb-qaadan doonto caawimadda caruurta qabta macaanka waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya, “Shirkadda Telesom waxaan islee yahay waxay ku suntan tahay halgankaa dib u dhiska dalka Ilaahayna waxaan ka baryahaa inuu shirkaddaasi ka dhigo mid runtii jirta oo waarta, sidaa ay imika ugu mashquulsan tahay horumarinta bulshadeedana runtii joogtaysa aad iyo aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsan tahay. Cabdirisaaq iyo saaxibkay Dr. Bashiir  iyo dhakhaatiirtaasina waxay geesteen wax weyn oo aan Ilaahay uga baryaaho inuu ka jasaa’I siiyo”. Sidaas waxaa yidh Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed waxaanu intaasi ku daray in Daladdda SONYO ay garab joogsan doono cusbitaalka samayna doonaan shirar hawleedyo ay ku taageeri doonaan cusbitaalkan.

Dhinca kale munaasibadan ayaa waxaa ka hadley Gudoomiyaha Dhakhatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi ayaa shirkadda Telesom iyo maamulka cusbitaalka Global Polyclinic uga mahad celiyey kaalinta ay u istaageen waxaanu xukuumadda ugu baaqay in sida shirkadda Telesom oo kale ay sanadkii ay miisaaniyadda ugu daraan sidii caruurta macaanka qabta loogu heli lahaa in daawo ku filan loo helo. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshadda qaybaheeda kale in ay u istaagaan sidii ay dadkooda xanuunsanaya u gacan siin laayeen.

6Dr. Cabdirashiid Xaashi ayaa tusaale u soo qaatay in dad gaalo ahi oo maal-qabeen ahi ay dadka ku nool waddama dunidda saddexaad ay ugu deeqaan xoolahooda.  Dhakhtarka ayaa bulshadda ugu baaqay in xoolaha ay uruurinayaa iska daayaan oo ay bulshadooda kuwa baahan wax ugu qabtaan, maadaama xabaal laga wadda galaayo oo qofka xoolihiisu aanay qabriga u raacayn.

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah waalidiin caruurtoodu qabaan cudurka macaanka waxaanay si wayn ugu mahadnaqeen shirkadda Telesom iyo maamulka Cusbitaalka Polyclinic. Waalidiinta ayaa qaarkood sheegeen in caruur ay dhaleen ay hore ugu dhinteen cudurkan macaanka taasi oo ay ugu wacnayd aqoon la’aan ka haysatay cudurkan iyo sida loola tacaalo.  Waalidiinta ayaa ka sheegeeyey muddadii lixda bilood ahayd ee cusbitaalka Global Polyclinic ay ku xidhnaayeen inay wax badan ka barteen sidoo kalena ay awoodeen in ay xakameeyaan joogtaynta heerka la ogol yahay in heerka dhiiga macaanka Ilmuhu joogo.

3Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadashay wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Waciyi Galinta Somaliland Shugri Xariir  Ismaciil waxaana ay tilaamantey in arintani ay tahay mid ku dayasho madan looga baahan yahay  shirkadaha waaweyn ee Somaliland ka jira in ay arintan gacan ka geystaan waxaanay tidhi, “Waxaan filayaa kulakan maanta in uu yahay kulankii labaad ee aynu iskugu nimaadno  aad iyo aadna waxaa aynu ugu mahad naqeynaa  cida  iska xil saartey arintan iyada ah ee ay ugu horeeyaan Dr.Cabdirisaaq Iyo Dr. Bashiir oo ka socda Cusbitaalka Global waxaa kale oo iyaduna aanu aad ugu mahad celineynaa Shirkada Telesom oo iyadu markasta ka dhex muuqata sidii loo dabooli laha baahiyaha ay qabaan bulshadeen Jicilcsan. Waxaan idin leeyahay wax kasta oo bulshadiina u qabteen waa wax idinka horeeya Ilaahayna ajar  iyo xasanaad ha idinka siiyo.  Barnaamijkani waa mid ah sidii loo tageeri lahaa waxna looga qaban lahaa cudurkaas bulshadeena aafeeyey ee macaanka. Cusbitaalka Global Ilahay khayr ha ka siiye waxaa  ay iska xil saareen sidii ay arintaasi ina wada taabatey wax looga qaban lahaa” Sidaa waxaa tidhi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada War Faafinta Dhaqanka Iyo Waci-galinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaciil.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories